Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray shirka 27-aad ee wasiirrada maaliyadda Geeska Afrika: Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in martigelinta shir goboleed heerkiisu sarreeyo oo baaxaddan leh ay ka tarjumayso soo kabsashada Soomaaliya iyo kalsoonida caalamiga ah ee dalka ku soo kordhaysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa fiidnimadii Talaadada si rasmi ah u soo xiray shirka 27-aad ee wasiirada maaliyadda ee madasha Hindisaha Geeska Afrika, kaas oo markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wasiirada maaliyadda iyo mas'uuliyiinta sare ee ka socday dalalka xubnaha ka ah madashan doorka ay ka qaateen xoojinta iskaashiga dhaqaale ee gobolka, dhiirigelinta is-dhaafsiga khibradaha, iyo horumarinta xasilloonida dhaqaalaha ee guud ahaan Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in martigelinta shir goboleed heerkiisu sarreeyo oo baaxaddan leh ay ka tarjumayso soo kabsashada Soomaaliya iyo kalsoonida caalamiga ah ee dalka ku soo kordhaysa. Wuxuu xusay in guddoomiyenimada ay Soomaaliya hadda u heyso madashan ay tahay fursad muhiim ah oo lagu sii qoto-dheereynayo iskaashiga gobolka laguna horumarinayo danaha dhaqaale ee ka dhaxeeya dalalka xubnaha ka ah ururkan.