Xarunta weyn ee baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa Isniintii martigelisay xuska sanad-guurada saddexaad ee Maalinta Soomaalida, halkaas oo boqolaal qof ay isugu yimaadeen dibadbax iyo isu-soo-bax si xooggan loogu garab istaagayo bulshada Soomaaliyeed ee gobolkaas oo xilligan wajahaaysa duruufo iyo cadaadis siyaasadeed.
Kaddib shir jaraa’id oo qabsoomay saacadihii hore ee maalinta, in ka badan 100 qof ayaa isugu yimid gudaha dhismaha weyn ee baarlamaanka.
Dhaqdhaqaaqe bulsho, Malika Daahir, oo madasha ka hadashay ayaa sheegtay in Soomaalida Maraykanka, si la mid ah bulshooyinka kale ee soogalootiga ah, ay halkaas u tageen iyagoo raadinaya nabad, fursado, iyo mustaqbal.
Waxay hoosta ka xarriiqday in bulshadu ay si adag u shaqaysay, ganacsiyo abuurtay, isla markaana ay qayb muhiim ah ka noqotay dhismaha iyo horumarka gobolka Minnesota.
Madaxdii iyo mas’uuliyiinti ka qaybgalay munaasabadda ayaa si qoto dheer uga hadlay caqabadaha horyaalla Soomaalida, oo ay ka mid yihiin saamaynta dhaqaale ee ka dhalatay hawlgallada ciidamada ee loo yaqaano ‘Operation Metro Surge’ ee lala beegsaday ganacsiyada, iyo sidoo kale qorshaha maamulka Madaxweyne Trump uu ku doonayo in uu ku soo afjaro sharciga degenaanshiyaha ku-meel-gaarka ah (TPS) ee la siiyo Soomaalida.
Senator Zaynab Maxamed oo ka tirsan aqalka Senate-ka gobolka, ayaa fariin adag dirtay iyadoo tiri, “Ma jirto wax madaxweynahan iyo dowladdiisu ay nagu samayn karaan oo aanaan ka badbaadi karin.”
Dhinaca kale, Qareen Cabdisalaam Muumin ayaa difaacay sumcadda bulshada, isagoo sheegay in takoorida iyo hadallada xanafta leh ee ka dhashay fadeexaddii musuqmaasuqa mashruucii ‘Feeding Our Future’ ay si caddaalad-darro ah u saameeyeen aqlabiyadda Soomaalida ee gobolka.
Wuxuu ku dooday in shakhsiyaad kooban oo dembi galay aysan marnaba sabab u noqon karin in sumcad-xumo la saaro bulsho dhan oo sharaf leh, isagoo ku baaqay in la saxo aragtidaas khaldan.
Munaasabadda oo ay ka soo qaybgaleen 24 urur iyo isbahaysiyo bulsho oo kala duwan, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kale oo taageero u muujiyay Soomaalida, oo ay ku jiraan Senator Jim Abeler oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, iyo Senator John Hoffman oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, kaas oo bishii Juun ee sanadkii hore dhaawacyo rasaaseed loogu geystay gurigiisa kaddib weerar salka ku hayay arrimo siyaasadeed.
Hoffman ayaa bulshada ugu baaqay in ay muujiyaan adkaysi iyo midnimo xilligan xasaasiga ah.



















