Taliyaha CXDS oo amray taageero milatari oo qaran oo loo fidinayo shacabka ay abaaruhu saameeyeen
Taliyaha ayaa ku boorriyay askarta CXDS in ay muujiyaan mas’uuliyaddooda qaran iyo mid bani’aadamnimo iyagoo hoggaaminaya howlaha samatabbixinta isla markaana garab istaagaya bulshooyinka nugul.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa faray dhammaan cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qayb qaataan gurmadka degdegga ah iyo kaalmooyinka bani’aadamnimo ee loo fidinayo shacabka ay saameeyeen abaaraha daran ee ka jira qaybo ka mid ah dalka.
Taliyaha Ciidanka ayaa ku boorriyay askarta CXDS in ay muujiyaan mas’uuliyaddooda qaran iyo mid bani’aadamnimo iyagoo hoggaaminaya howlaha samatabbixinta isla markaana garab istaagaya bulshooyinka nugul.
Cutubyada ayaa lagu amray in ay gaarsiiyaan biyo, cunto, agab caafimaad, iyo kaalmo kasta oo kale oo ay awoodaan si loo yareeyo dhibaatada ka dhalatay abaarta sii socota.
Sareeye Guuto Maxamuud ayaa carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay difaaca dalka, dadkiisa, iyo diintiisa, isaga oo xusay in ay leeyihiin waajib qaran oo ah in ay taageeraan bulshooyinka xilliyada dhibaatooyinka sida abaaraha, fatahaadaha, iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah.
Ugu dambayntii, wuxuu ugu baaqay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed—oo ay ku jiraan hay’adaha dowladda, hoggaamiyeyaasha ganacsiga, culimada diinta, iyo guud ahaan shacabka—in ay ku midoobaan dadaallada gurmadka si loo badbaadiyo nolosha loona taageero kuwa ay abaaruhu saameeyeen