Jabuuti: MW Geelle oo baaq u diray ganacsatada xilli ay gobolka ka jiraan xiisado iyo hubanti-la’aan
Madaxweyne Geelle ayaa adkeeyay in ganacsatada ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta awoodda wax-iibsi ee shacabka, taas oo uu ku tilmaamay mid saldhig u ah sii socoshada ganacsigooda.
Afar maalmood uun ka hor doorashada madaxtooyada ee dalka Jabuuti, Madaxweynaha xilka haya Ismaaciil Cumar Geelle, ahna musharraxa xisbiga talada haya ee UMP, ayaa ugu baaqay ganacsatada inay xoojiyaan xiriirka iyo wada-shaqeynta ay la leeyihiin dowladda, si wax looga qabto caqabadaha dhaqaale ee ka dhashay xaaladaha isbedbeddelaya ee gobolka.
Madaxweynaha oo ganacsatada kula hadlayay kulan olole doorasho ah oo maalintii Axadda ka dhacay Huteelka Ayla, uuna goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jibuuti, Yuusuf Muuse Ducaale, ayaa difaacay waxqabadka maamulkiisa ee dhanka dhaqaalaha, isagoo dhanka kalena ka digay khataraha ka dhalan kara xiisadaha juquraafi-siyaasadeed ee xilligan ka taagan gobolka.
“Dhaqaalaheennu wuxuu ku taagan yahay sal adag,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle, isagoo tusaale u soo qaatay koboca joogtada ah, maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xasiloonida dhaqaale ee guud, taas oo uu sheegay inay dalka ka dhigtay “gabbaad kalsooni lagu qabo.” Wuxuu intaas ku daray in guulahaas ay yihiin miro-dhalka isbeddellada dowladda iyo dadaalka adag ee waaxda gaarka loo leeyahay.
Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa dhawaaqiisu uu noqday mid aad u adag markii uu soo hadal qaaday horumarrada caalamiga ah ee xilligan. Wuxuu ka digay in xiisadaha ka taagan gobolka ay carqaladeyn karaan silsiladaha sahayda ganacsiga, isbedbel weyn ku keeni karaan qiimaha tamarta, isla markaana ay saameyn taban ku yeelan karaan go’aannada maalgashiga.
“In la iska indhatiro khatarahaas waxay ahaan doontaa qalad weyn. In loo hoggaansamana waxay ka dhigan tahay is-dhiibid,” ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo ku baaqay in dowladda iyo ganacsatadu ay qaadaan tallaabooyin wadajir ah oo isku-dubbaridan.
Wuxuu ku baaqay in la helo iskaashi xooggan oo dhexmara dowladda iyo ganacsatada, kaas oo ah mid “adag, indheergaradnimo ku dhisan, oo la jaanqaadi kara xaaladaha degdegga ah,” si loo sugo sahayda istiraatiijiga ah ee dalka, loona ilaaliyo qaybaha wax-soosaarka.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ganacsatada uga digay inay sameeyaan ficillo qiimo-kordhin been-abuur ah ama in badeecadaha la qariyo.
“Sicir-kordhinta been-abuurka ah ee dhibaataynaysa qoysaska qeyb kama ahaan doonto mashaariicda aan hoggaaminayo,” ayuu yiri, isagoo ballan-qaaday inuu sicir-bararka kula dagaallami doono qorsheyaal caddaalad ah oo la qorsheeyey.
Wuxuu adkeeyay in ganacsatada ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta awoodda wax-iibsi ee shacabka, taas oo uu ku tilmaamay mid saldhig u ah sii socoshada ganacsigooda.
Xilli ay soo dhowdahay doorashada loo madlan yahay 10-ka bishan Abriil, Madaxweyne Geelle ayaa ololihiisa siyaasadeed ku tilmaamay mid ku qotoma “isbaheysi” lala yeesho waaxda gaarka loo leeyahay, beddelkii uu ka ahaan lahaa “liis ballanqaadyo ah,” isagoo ku baaqay in la sii adkeeyo guulaha la gaaray, lana dhiso dhaqaale caddaalad ah oo horseeda barwaaqo.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamo is-daba-joog ah oo uu musharrax madaxweyne Geelle la yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada dalka.