| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Wasiirka Warfaafinta oo Turkiga Kala Hadlay Iskaashiga Warbaahinta iyo Ka Hortagga Marin-habaabinta
Wasiirka Warfaafinta Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa Deniz Demir, oo ka tirsan Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, kala hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca warfaafinta iyo la-dagaallanka wararka been-abuurka ah
Wasiirka Warfaafinta oo Turkiga Kala Hadlay Iskaashiga Warbaahinta iyo Ka Hortagga Marin-habaabinta
Wasiirka Warfaafinta oo Turkiga Kala Hadlay Iskaashiga Warbaahinta iyo Ka Hortagga Marin-habaabinta / SONNA

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa la kulmay Deniz Demir, Isku-duwaha Xarunta La-dagaallanka Macluumaadka Marin-habaabinta ah ee hoos tagta Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Turkiga, kaas oo hadda booqasho shaqo oo rasmi ah ku jooga Muqdisho.

Wasiirka iyo Isku-duwaha ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca warfaafinta iyo ka faa’iideysiga khibradda iyo aqoonta Turkiga ee ka hortagga iyo la-dagaallanka macluumaadka marin-habaabinta ah iyo wararka been-abuurka ah.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay khataraha ka dhalan kara wararka been-abuurka ah iyo macluumaadka marin-habaabinta ah ee ku wajahan bulshada, amniga iyo xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo iskaashi joogto ah si loo ilaaliyo macluumaadka saxda ah iyo kalsoonida dadweynaha.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaabilay Safiirrada Dalalka Carabta, Kalana Hadlay Xoojinta Iskaashiga
Shirweynaha Saddexaad ee Adkeysiga Musiibooyinka Soomaaliya oo Muqdisho ka Furmay
Wasiirka Deegaanka oo ku Baaqay Xalal ku Saleysan Cilmi-baaris si Loo Xoojiyo Adkeysiga Soomaaliya
Wasiirka Qorsheynta oo Madasha EACON 2026 ku Soo Bandhigay Fursadaha Maalgashi ee Soomaaliya
Masar oo ku baaqday in la joojiyo weerarrada Sacuudiga, lana bilaabo wada-hadallada US iyo Iiraan
Al-Burhan oo amray baaritaan lagu sameeyo duqeyntii xadka Suudaan ee lagu dilay 72 macdan-qode
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo Qaabilay Safiirka Algeria U Fadhiya Soomaaliya
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Dijitaalka 2026 ee Moscow
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka Qaybgalay Munaasabadda Qaran ee Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Madasha Caalamiga ah ee Tamarta ee Riyadh
Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wada Hadlay Doorka Warbaahinta ee La-dagaallanka Argagixisada
Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Soo Xiray Tababar loo Qabtay Ciidamada Qaybta 21-aad
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baarlamaanka Faray inuu Mudnaan Siiyo Sharciyada Xuquuqda Haweenka
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Guddiga Koonfur Galbeed oo Dib u Eegay Diyaar-garowga El Niño ee Shabeellaha Hoose
Kenya oo aas loogu sameeyey qofkii ugu horreeyay ee Ebola ugu dhinta dalka
Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka Hadlay Amniga, Doorashooyinka iyo Faa’iidooyinka Xubinnimada EAC
1,770 Qof oo Kale oo ku Barakacay Gobolka Blue Nile ee Suudaan: IOM
Al-Burhan oo sheegay in dagaalka Suudaan uu socon doono ilaa dib loo qabsado taako kasta oo dalka ah