Seyga Madaxweynaha Tansaaniya Samia Suluhu Hassan ayaa Isniintii geeriyooday isagoo lagu daweynayay isbitaal ku yaalla Zanzibar, sida uu sheegay Madaxweyne Ku-xigeenka dalkaas.
Hafidh Ameir Hassan ayaa noqday seyga ugu horreeya ee madaxweyne haweeney ah oo Tansaaniya yeelato sannadkii 2021, markii xaaskiisu xilka la wareegtay kaddib geeridii Madaxweyne John Magufuli. Hassan ayaa laga dabiibayey xanuun dhanka wadnaha ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Deogratius Ndejembi ayaa ku dhawaaqay geerida Hassan, isagoo tacsi u diray qoyskiisa, wuxuuna sheegay in qabanqaabada aaskiisa laga wado Zanzibar, oo ah jasiirado ismaamul hoosaad leh kana tirsan Tansaaniya.
Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa ku jirta muddo-xileedkeedii labaad, kaddib markii ay doorashadii 2025 ku guuleysatay in ka badan 97% codadka doorashada.
Lamaanaha ayaa lahaa afar carruur ah, saddex wiil iyo gabar xildhibaanad ah.
Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa ka tacsiyeeyey geeridan, isagoo yiri: “Madaxweyne Samia waxay weyday wehelkeedii nolosha, carruurteeduna aabbe ay jeclaayeen, Tansaaniya-na wiil sharaf leh.”
Madaxweynaha Burundi Evariste Ndayishimiye ayaa isna tacsi u diray Madaxweyne Hassan iyo shacabka Tansaaniya.























