| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Koonfurta Suudaan oo ciidamo suga amniga u dirtay xarunta shidaalka Heglig ee Suudaan
Milatariga ayaa sheegay in dirista ciidamada ay ku heshiiyeen Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, Taliyaha Ciidanka Suudaan Jenaraal Abdel Fattah al-Burhan, iyo Madaxa RSF Maxamed Xamdaan Dagalo.
Koonfurta Suudaan oo ciidamo suga amniga u dirtay xarunta shidaalka Heglig ee Suudaan
Goobta shidaalka Heglig ayaa ah xarunta ugu weyn ee shidaalka Koonfurta Suudaan. / Reuters
11 Diseembar 2025

Koonfurta Suudaan ayaa ciidamo u dirtay dalka deriska ah ee Suudaan si ay u ilaaliyaan goobta istiraatiijiga ah ee Shiidaalka Heglig ee ku dhow xadka, sida uu sheegay taliyaha milatariga dalkaasi, maalmo ka dib markii ay qabsadeen maleeshiyada RSF.

Heglig waxaa ku yaalla xarunta ugu weyn ee shiidaalka Koonfurta Suudaan, taasoo ka dhigaysa ilaha ugu badan ee dakhliga guud ee Koonfurta Suudaan.

Ilo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa Reuters u sheegay Isniintii in ciidamada dowladda iyo shaqaalihii ka shaqaynayay goobta shiidaalka ee Heglig ay Axaddii ka baxeen aagga si looga fogaado dagaal keeni kara in waxyeello soo gaarto xarumaha.

Janaraal Paul Nang, taliyaha guud ee ciidamada Koonfurta Suudaan, ayaa sheegay in dirista ciidanka ay isku afgarteen Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir, Taliyaha Ciidanka Suudaan Janaraal Abdel Fattah al-Burhan iyo madaxa RSF Maxamed Hamdan Dagalo.

Dagaalka Suudaan, oo billowday Abriil 2023, ayaa dilay kumanaan qof kana barakiciyey malaayiin, iyadoo aysan jirin calaamad muujinaysa in xiisadu hoos u dhacdo maaddaama xariiqaha colaadeed ay ku fidaan dalka oo dhan.

XIGASHO:TRT Afrika and agencies
Raadi Warar Kale
Soomaaliya iyo Turkiga oo daah-furay hirgelinta heshiiska iskaashiga shaqada iyo arrimaha bulshada
Madaxa Sirdoonka Itoobiya oo booqday Soomaaliya xilli xiisad ka taagan tahay Geeska Afrika: Warbixin
Bangiga Horumarinta Afrika oo kaashanaya hay'adaha Carabta xilli dib u dhac kaga yimid Galbeedka
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fuliyay hawlgal qorshaysan kana dhacay Shabeellaha Dhexe
Ciidanka Suudaan oo sheegay horumarro waaweyn oo laga gaaray maleeshiyada RSF
Soomaaliya oo burisay heshiisyadii ay la galeen UAE kuna eedeysay “faragelinta midnimadeeda dhuleed"
Dowladda Suudaan oo dib ugu laabatay Khartoum kaddib dagaal qaatay muddo ka badan laba sano
Dagaalka Suudaan: Boqolaal rayid ah oo ku barakacay rabshadihii ugu dambeeyay ee Koonfurta Kordofan
Venezuela oo sii deysay 'tiro badan' oo maxaabiis ah kadib qafaalashadii Maduro
Madaxweyne Xasan Sheekh oo u digay Israa’iil iyo Netanyahu: Soomaaliya lama kala goyn karo
Caalamka oo Israa’iil uga digay faragelinta Soomaaliya
Maamulka Trump oo 2,000 oo askari u diray Minnesota xilli ay sii kordhayaan howlgallada socdaalka
Soomaaliya oo baaraysa eedeymo la xiriira adeegsiga hawadeeda ee hogaamiyaha gooni-u-goosadka Yemen
Muqdisho: Culimada oo hoggaamiyay dibadbax weyn oo looga soo horjeedo 'faragelinta Israa’iil'
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Gorgor oo ka qalinjabiyey TURKSOM
Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo si adag u cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Jaamacadda Carabta oo cambaareysay booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Somaliland
Soomaaliya oo cambaareysay booqashada Gideon Saar ee Somaliland, kuna tilmaantay mid sharci darro ah
Masar oo diidday tallaabada Israa’iil ee sharci-darrada siyaasadeed ah ee lagu aqoonsaday Somaliland
Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo laalo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland