| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha oo Diiradda Lagu Saaray Fursadaha Maalgashiga: Muqdisho
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha oo Diiradda Lagu Saaray Fursadaha Maalgashiga: Muqdisho
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Muqdisho ka furay Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha ku dhiirrigeliyay inay ka faa’iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa Talaadadii si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha, oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin dowladeed, diblomaasiyiin, hoggaamiyeyaal ganacsi iyo maalgashadayaal ka kala socda Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madasha oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka, safiirrada Soomaaliya iyo Shiinaha, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga Shiinaha iyo Afrika, iyo sidoo kale shirkado iyo maalgashadayaal ka kala socda labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Saalax ayaa shirkadaha iyo maalgashadayaasha Shiinaha ku dhiirrigeliyay inay sahamiyaan fursadaha maalgashi ee sii kordhaya ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada kaabeyaasha dhaqaalaha, wax-soo-saarka warshadaha, kalluumeysiga, beeraha, tamarta, gaadiidka iyo adeegyada saadka.

Wuxuu adkeeyay in xoojinta xiriirka ganacsi ee Soomaaliya iyo Shiinaha ay tahay inuu horseedo abuurista shaqooyin, kordhinta maalgashiga iyo kobcinta wax-soo-saarka gudaha, si loo taageero horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
NIEBC oo Xirtay Gudbinta Liiska Musharraxiinta Doorashooyinka Ku-celiska ah ee Galmudug
MW Xasan Sheekh oo Furay Sannad-dugsiyeedka Cusub iyo Hindisaha ABUUR ee Ardayda Jaamacadaha
Xuutiyiinta Yemen oo Gaaray Jasiiradda Perim iyo Dhubab ee Bab al-Mandab
Ku Dhawaad 400 Suudaaniyiin ah oo Masar Dib uga Laabtay, Barnaamijka Dib-u-noqoshada Ikhtiyaariga ah
8 Qof oo u Badan Carruur oo ku Dhaawacmay Weerar Diyaarad Drone ah oo RSF ka Geysatay Khartuum
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kormeeray Taliska Qaybta 1-aad ee Ciidanka Gaarka ah ee Gorgor
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Furay Madal Lagu Falanqeynayo Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Madasha Wadahadalka Jiilasha ee Nabadda iyo Dawlad-wanaagga oo Muqdisho ka Furantay
Dalalka Carabta oo Cambaareeyay Weerarrada Iiraan ee Urdun, Kuna Baaqay in Si Degdeg ah loo Joojiyo
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo dhagax-dhigay dib-u-dayactirka Biyo-xireenka Saabuun
RW Xamza oo Kulan la Qaatay Golaha Maamulka iyo Maareynta Akadeemiyadda Hoggaaminta Qaranka
Muqdisho oo munaasabad sagootin ah oo heer sare ah u sameysay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
Boqolaal Burundi u Dhashay oo Kenya ka Baxaya Iyagoo Raadinaya Dukumentiyada Safarka
Soomaaliya iyo Baakistaan oo xoojinaya iskaashiga dhanka aqoonsiga qaranka & kaabayaasha dhijitaalka
Taliyaha CXD oo Isbitaallada Muqdisho ku Booqday Askartii Ku Soo Dhaawacantay Hawlgallada
Guddoomiyaha SoDMA oo FAO Kala Hadlay U Diyaar-garowga Fatahaadaha iyo Baahiyaha Bani’aadannimo
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Taageertay Bandhigga Pan-African Biennale ee Nairobi
Wasiirka Warfaafinta oo Shir Guddoomiyay Kulan Lagu Xoojinayo Iskaashiga Warbaahinta DF & DG
Laanqeyrta Cas oo Sheegtay inay Diiwaanka ku Hayso in ka Badan 11,000 oo Qof oo Sudan lagu La’yahay