| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kalfadhigii 10-aad ee Guddiga Tirakoobka Afrika
Hay’adda SNBS ayaa tilmaantay fursadaha uu Garaad Gacmeedku u leeyahay hagaajinta soo saarista tirakoobyada, habaynta iyo falanqaynta xogta iyo aqoonsiga isbeddellada cusub.
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kalfadhigii 10-aad ee Guddiga Tirakoobka Afrika
Soomaaliya oo ka Qaybgashay Kalfadhigii 10-aad ee Guddiga Tirakoobka Afrika

Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed (SNBS) ayaa ka qaybgashay Kalfadhigii 10-aad ee Guddiga Tirakoobka Afrika, oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya intii u dhexeysay 21-dii ilaa 23-dii Oktoobar 2026. Hay’addu waxay ka qayb qaadatay wadahadallada ku saabsan xoojinta nidaamyada tirakoobka iyo horumarinta adeegsiga mas’uuliyadda leh ee tiknoolajiyadaha cusub ee qaaradda Afrika.

Kalfadhigan, oo halku-dhiggiisu ahaa “Ka Faa’iideysiga Qiimaha Xogta Afrika: In Tirakoobyada Rasmiga ahi Noqdaan Muraayad Si Dhab ah u Muujisa Xaaladda Qaaradda,” ayaa isu keenay hay’adaha tirakoobka ee dalalka Afrika, si looga wada hadlo helitaanka xog lagu kalsoonaan karo oo la mideeyay, iyo doorka tirakoobyada rasmiga ahi ku leeyihiin isbeddelka dhaqaalaha iyo horumarka waara.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliyeed, Dr. Cabdisalaan Maxamed, ayaa ka qaybgalay dood heer sare ah oo ku saabsan diyaar-garowga adeegsiga Garaad Gacmeedka (AI) ee tirakoobyada rasmiga ah. Doodda ayaa lagu falanqeeyay sidii hay’adaha tirakoobka qaranku si wax ku ool ah ugu adeegsan lahaayeen AI, iyagoo isla markaana xoojinaya awoodda hay’adahooda, kaabeyaasha dijitaalka ah, maamulka xogta iyo khibradaha farsamo.

Hay’adda SNBS ayaa tilmaantay fursadaha uu Garaad Gacmeedku u leeyahay hagaajinta soo saarista tirakoobyada, habaynta iyo falanqaynta xogta, aqoonsiga isbeddellada cusub iyo fududeynta helitaanka tirakoobyada rasmiga ah ee ay adeegsadaan go’aan-qaadayaasha. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeysay in AI uu kaabayo qiimeynta xirfadeed ee khubarada tirakoobka, iyadoo la ilaalinayo saxnaanta, madax-bannaanida, sirta xogta iyo kalsoonida bulshada.

Kalfadhiga ayaa sidoo kale looga hadlay sinnaan la’aanta, kala duwanaanshaha horumarineed ee gobollada, dhaqdhaqaaqyada dhaqaalaha aan rasmiga ahayn, nuglaanshaha iyo cadaadiska deegaanka. Ka qaybgalayaasha ayaa ka wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa in nidaamyada tirakoobka Afrika ay si wanaagsan uga tarjumaan xaaladaha dhabta ah ee horumarka qaaradda.

Ka qaybgalka Soomaaliya ee kalfadhigan ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo nidaamka tirakoobka qaranka, lagu hagaajinayo tayada iyo waxtarka xogta rasmiga ah, laguna taageerayo qorsheynta, maalgashiga iyo siyaasadaha dadweynaha ee ku saleysan xog iyo caddeymo sugan.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya oo Kulan Wadajir ah ka Yeeshay Xisaab-xirka Miisaaniyadda 2025
Wafdi ka Socda Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga oo Booqasho ku Tagey Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Hirshabeelle
Ciidamada Suudaan oo RSF kala wareegay saldhig militari oo istiraatiiji ah
Laanqeyrta Cas oo ka Digtay Khasaaraha Rayidka ee Sii Kordhaya ee ka Dhasha Weerarrada Cirka Suudaan
Soomaaliya iyo Uganda oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga shaqada iyo shaqaalaha
RW Xamza oo ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka Shirweynaha Culimada Haweenka Soomaaliyeed
Madaxda Qaranka oo Liibaan Axmed Xasan ugu Hambalyeeyay Doorashadiisa Madaxweynaha Galmudug
Dowlado iyo hay’ado caalami ah oo Geneva ku yeeshay kulan lagu xoojinayo dadaallada nabadda Suudaan
Soomaaliya oo Cambaaraysay Khariidad uu Soo Bandhigay Netanyahu, kuna Tilmaantay Xadgudub
Baarlamaanka Galmudug oo Dhageystay Barnaamijyada Siyaasadeed ee Musharraxiinta Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Morocco oo ku Heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Tamarta, Macdanta, Beeraha iyo Dalxiiska
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Soomaaliya oo Daahfurtay Shirka Dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Waaxda Caafimaadka: Muqdisho
Safiirka Soomaaliya oo Warqadihiisa Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Dalka Chad
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ku Baaqay Dib-u-habeyn Lagu Xoojinayo Amniga Qaranka iyo Isla-xisaabtanka
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda oo Xoojinaysa Xiriirka Ganacsi ee Labada Dal: Muqdisho
Soomaaliya iyo Spain oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinaca Kalluumeysiga
Golaha Shacabka oo Ka Dooday Heshiiska QM ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Sharciga Bangiga Dhexe
SoDMA, FAO iyo Norway oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga El Niño iyo Digniinta Hore ee Musiibooyinka