Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si rasmi ah dalka ugu matalaya Meertada 31-aad ee Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), kaas oo ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga.
Wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu qayb ka yahay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa qorshahooda ugu weyni yahay in ay codka Soomaaliya iyo caqabadaha dalku wajahayo si xooggan ugu soo bandhigaan fagaaraha caalamka.
Sida lagu xusay qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Deegaanka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeedin doona Shir-madaxeedka Hoggaamiyeyaasha Adduunka ee qabsoomaya 11-ka ilaa 12-ka Nofeembar.
Wuxuu si qotodheer u soo bandhigi doonaa mudnaanta qaranka Soomaaliya ee dhinacyada la-qabsiga isbeddelka cimilada, u-gudbidda tamarta cagaaran, ka hortagga nabaad-guurka, iyo baahida degdegga ah ee loo qabo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Tallaabo diblumaasiyadeed oo miisaan weyn u soo hoysay dalka inta uu shirku socdo, ayaa ah daah-furka Ardaaga Qaranka Soomaaliya (Somalia Pavilion).
Madashan gaarka ah ayaa u adeegi doonta xudun muhiim ah oo lagu soo bandhigo siyaasadaha iyo qorshayaasha waawayn ee Soomaaliya ay kaga falcelinayso isbeddelka cimilada, iyo horumarrada muuqda ee ilaa hadda la gaaray.
Sidoo kale, Ardaagu waxa uu noqon doonaa madal istaraatiijiyadeed oo soo jiidata fursadaha maalgashi iyo maalgelin,kobcisa iskaashiga farsamo, laguna lafaguro is-dhaafsiga aqoonta iyo wada-shaqaynta caalamiga ah ee la xiriira mudnaanta cimilada Soomaaliya.
Si loo xaqiijiyo matalaad loo dhan yahay, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, oo hoggaaminaysa isku-dubbaridka ka-qaybgalkan, ayaa xaqiijisay in weftiga qaranka ay ku jiraan mas’uuliyiin ka socota Dowladda Federaalka,Dowlad-goboleedyada, bulshada rayidka ah, ururrada deegaanka, dhalinyarada, haweenka, hay’adaha maaliyadeed, iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Ka-qaybgalkan masiiriga ah ayaa fursad weyn u ah Soomaaliya si ay u raadiso taageero maaliyadeed iyo gacan-qabasho dardargelisa dadaallada wax-ka-qabashada isbeddelka cimilada.
Shirweynaha COP31
Shirweynaha Qaramada Midoobay ee COP31 oo si rasmi ah maalintii Isniinta uga furmay magaalada Antalya ee dalka Turkiga, isla markaana socon doona 9-ka ilaa 20-ka Nofeembar 2026, ayaa kulminaya hoggaamiyeyaasha adduunka,wasiirro, ergooyin wada-xaajood, saynisyahanno, iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah.
Shirkan oo ujeeddadiisu tahay falanqaynta dhimista qiiqa hawada wasakheeya, la-qabsiga cimilada, iyo maalgelinta mashaariicda deegaanka, ayaa dowladdaha caalamka waxa uu saarayaa cadaadis xooggan oo ku aaddan in ballanqaadyadii cimilada loo beddelo ficil dhab ah, lana kordhiyo taageerada waddamada u nugul cimilada.
Dalka Turkiga ayaa haya xilka madaxtinimada shirweynaha sanadkan, halka Wasiirka Isbeddelka Cimilada iyo Tamarta ee dalka Ustareeliya (Australia), Chris Bowen, uu hoggaamin doono wada-xaajoodyada adag ee shirka.
Shirweynahan oo hal-ku-dheg looga dhigay “COP-tii Mustaqbalka – COP-tii Fulinta”, ayaa kusoo beegmaya sanad ay adduunka ragaadiyeen daadad ba’an, mowjado kulayl oo dhimasho sababay, iyo abaaro soo noqnoqday, taas oo sii xoojisay baaqyada degdegga ah ee lagu dalbanayo yareynta qiiqa wasakhda ah iyo kordhinta taageerada maaliyadeed ee dalalka inta badan ay dhibaatadu kasoo gaarto cimilada.






















