Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Ciraaq, Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Faransiiska, Maxamed Cali Nuur Xaaji, ayaa booqday Safaaradaha Jamhuuriyadda Yemen ee ku kala yaalla Baqdaad iyo Paris si ay u saxiixaan buugaagta tacsida kadib geeridii Madaxweynihii hore ee Yemen, Cabdirabbuh Mansuur Haadi.
Danjirayaashu waxay gudbiyeen tacsi ay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed u dirayaan Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda walaalaha ah ee Yemen, waxayna sidoo kale u muujiyeen qoyska Madaxweynihii geeriyooday dareenkooda murugada ah iyo tiiraanyada.
Waxay ku ammaaneen Madaxweyne Haadi waxqabadyadii uu u soo qabtay dalkiisa, iyagoo dib u xaqiijiyay garab istaagga Soomaaliya ee Yemen muddadan baroordiiqda ah.
Danjirayaashu waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen xiriirka soo jireenka ah ee saaxiibtinimada iyo walaaltinimada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, kaas oo ku dhisan taariikh wadaag, is-ixtiraam, iyo xiriir dhow oo ka dhexeeya labada shacab.





















