Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Waxbarashada Qaranka, kaas oo sannadkan diiradda lagu saarayo dib-u-habaynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalka, horumarinta manhajka, kor u qaadidda xirfadaha macallimiinta, iyo ballaarinta helitaanka waxbarashada guud ahaan dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa khudbaddiisa furitaanka carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee waxbarashadu ku leedahay horumarka Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay laf-dhabarta koboca dhaqaalaha, horumarka bulshada iyo amniga qaranka. Wuxuu xusay in Dowladda DanQaran ay mudnaan gaar ah siisay maalgashiga waxbarashada, dhismaha awoodda macallimiinta iyo horumarinta manhajka qaranka, si loo dhiso nidaam waxbarasho oo tayo leh, hufan oo casri ah, kana jawaaba baahiyaha waqtigan.
“Xukuumadda DanQaran waxay hirgelisay barnaamijyo tababar joogto ah oo loo fidiyo macallimiinta dalka oo dhan, sidoo kale waxay dejisay nidaamyo lagu qiimeeyo tayada macallimiinta, si loo helo barayaal leh aqoon, karti iyo anshax xirfadeed,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha. “Waxaan sidoo kale xoojinay mideynta manhajka qaranka laga bilaabo waxbarashada hoose ilaa tacliinta sare, si loo hubiyo in ardayda Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho isu dheellitiran oo tayo leh, una dhiganta heerarka caalamiga ah. Tallaabooyinkan waxay si cad u muujinayaan go’aanka adag ee dowladda ee ku aaddan dhismaha nidaam waxbarasho oo gacan ka geysanaya horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.”
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dib-u-dhiska nidaamka waxbarashada, iyadoo la hirgeliyay sharciyo, siyaasad iyo hannaan muhiim ah, oo ay ka mid yihiin Xeerka Waxbarashada, Siyaasadda Qaran ee Waxbarashada, iyo Istaraatiijiyadda Horumarinta Qaybta Waxbarashada. Wuxuu xusay in dukumentiyadan ay dhiseen saldhig adag oo lagu wajaho baahiyaha waxbarasho, lagu tayeynayo waxbarashada laguna xoojinayo maamulka iyo hagidda waxbarashada.
Shirweynahan ayaa si buuxda ula jaanqaadaya qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee muddada dheer ee dalka, oo ay ka mid yihiin Qorshaha Istiraatiijiga ah ee Qaybta Waxbarashada (ESSP 2022–2026), Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), iyo Himilada 2060, kuwaas oo dhammaantood u aqoonsan waxbarashada tiir dhexe oo lagu horumarinayo awoodda aadanaha, nabad-dhisidda, dowlad-wanaagga iyo kobaca dhaqaale ee waara.
Shirweynaha, oo ku qabsoomay hal-ku-dhigga “Himilo Cad iyo Horumar Tayo Leh,” ayaa ujeedkiisu yahay in la qiimeeyo horumarka laga sameeyay qorshihii waxqabad ee sannadkii hore, in la sameeyo dib-u-eegis bartamaha muddada ah oo lagu sameeyo Heshiiska Iskaashiga Soomaaliya, oo ah tiir muhiim u ah maalgelinta waxbarashada kana helaya taageero Iskaashiga Caalamiga ah ee Waxbarashada (GPE), iyo in la qiimeeyo habraacyada isla-xisaabtanka ee u dhexeeya dowladda iyo daneeyayaasha waxbarashada.
Gebogabadii munaasabadda, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyay martida sharafta leh ee ka soo qayb gashay shirweynaha, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Nabil Maxamed Axmed, iyo wafdiga la socday, taageerada joogtada ah iyo iskaashiga ay la leeyihiin Soomaaliya ee horumarinta waxbarashada.




















