Trump oo Madaxweynaha Israa’iil Herzog ku tilmaamay “daciif oo aan qiimo lahayn”
Madaxweynaha Maraykanka ayaa ka gaabsaday inuu caddeeyo in la beegsan doono ama la qabsan doono kaabayaasha shiidaalka Iiraan.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Axaddii weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, isagoo ku tilmaamay “daciif oo aan qiimo lahayn” isla markaana ku eedeeyay inuu ka been sheegay ballantiisii aheyd inuu cafin doono Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu.
“Wuxuu ii sheegay marar badan, in ka badan hal mar, inuu cafin doono, balse been ayuu ii sheegay,” ayuu Trump u sheegay Channel 14 ee Israa’iil, isagoo intaas ku daray in Herzog “uusan ahayn hoggaamiye.”
Trump ayaa sheegay in dacwadda musuqmaasuq ee lagu soo oogay Netanyahu ay mashquulineyso dadaallada dagaalka.
“Bibi waa inuu diiradda saaraa dagaalka, ee ma aha waxyaabo aan muhiim ahayn,” ayuu yiri.
Trump ayaa arrintan horey dhowr jeer uga hadlay, isagoo hore ugu tilmaamay Herzog “qof daciif ah oo aan waxba tarayn,” isla markaana ku eedeeyay inuu arrinta cafiska u adeegsanayo dano siyaasadeed.
Sarkaal sare oo Israa’iili ah ayaa ka horyimid hadalka Trump, isagoo sheegay in Herzog uusan waligiis ballan noocaas ah sameyn, isla markaana uu u sheegay la-taliyeyaasha Trump inuu arrinta u eegi doono si waafaqsan habraacyada sharciga.
Netanyahu ayaa wajahaya dacwado musuqmaasuq oo muddo dheer socday, kuwaas oo la xiriira eedeymo ku saabsan inuu helay faa’iidooyin iyo adeegyo uu ku beddelay tallaabooyin sharciyeed, go’aanno nidaam iyo taageero diblomaasiyadeed oo uu siiyay ganacsato hodan ah iyo milkiilayaal warbaahineed.
Dhanka dagaalka Iiraan, Trump ma uusan caddeynin in ciidamada Maraykanku ay bartilmaameedsan doonaan ama qabsan doonaan kaabayaasha shidaalka iyo gaaska ee Iiraan, isagoo sheegay inuusan hadda ka jawaabi karin arrintaas.
Weerarrada Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan ayaa bilaabmay 28-kii Febraayo, waxaana la sheegay inay ilaa hadda dileen ugu yaraan 1,300 oo qof, oo uu ku jiro hoggaamiyihii sare ee xilligaas Ayatollah Cali Khamenei.
Iiraan ayaa kaga jawaabtay weerarro drones iyo gantaallo ah oo ay ku beegsatay Israa’iil, Urdun, Ciraaq iyo dalalka Khaliijka ee martigeliya saldhigyada milatari ee Maraykanka.