| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Qorshe lagu maalgelinayo qalabka beeraha Soomaaliya oo Muqdisho looga arrinsaday
Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa kulmiyay iskaashatooyinka beeralayda, shirkadaha qalabka, Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliyeed, iyo sidoo kale shirkadda AgLease.
Qorshe lagu maalgelinayo qalabka beeraha Soomaaliya oo Muqdisho looga arrinsaday
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa daahfuray qorshe lagu maalgelinayo qalabka beeraha Soomaaliya. / User Upload

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadda ayaa bilaabay wada-hadallo looga golleeyahay in beeralayda dalka loo fududeeyo helitaanka deymaha iyo maalgelinta qalabka casriga ah ee beeraha.

Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa kulmiyay iskaashatooyinka beeralayda, shirkadaha qalabka, Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliyeed (SDRB), iyo sidoo kale shirkadda AgLease Co Ltd oo laga leeyahay dalka Zambia, taas oo khibrad wadaag dhinaca maalgelinta ah madasha ku soo bandhigtay.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyay dhismaha nidaam casri ah oo beeralayda u sahlaya in ay helaan deymo shuruudahoodu fudud yihiin iyo hanaan lacag-celin ah oo la jaanqaadaya xilliyada goosashada.

Waaxyaha tiknoolajiyada iyo horumarinta iskaashatooyinka ee wasaaradda ayaa madasha ku soo bandhigay noocyada qalabka beeraha ee sida gaarka ah ugu baahan maalgelinta degdegga ah, iyagoo la wadaagay shirkadaha iyo bangiyada hababka ugu habboon ee loo mari karo in qalabkaas si dhab ah loo gaarsiiyo beeralayda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli baahi weyn loo qabo casriyeynta waaxda beeraha ee Soomaaliya, taas oo inta badan la daalaa-dhacda qalab la’aan iyo caqabado dhinaca dhaqaalaha ah.

Gunaanadkii shirka, Bankiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliyeed (SDRB) iyo hay’adaha bixiya deymaha yaryar ee (Microfinance) ayaa ku dhawaaqay in bisha soo socota ee Maajo 2026-ka ay si rasmi ah u daah-furi doonaan mashruuc weyn oo dhaqaale lagu siinayo beeralayda, kaas oo loogu talagalay in lagu xiro farqiga u dhexeeya wax-soo-saarayaasha iyo hay’adaha maaliyadda si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalka.

XIGASHO:TRT SOMALI