| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada
Sidoo kale, Washington waxay liiska kooxaha argagixisada ee caalamiga ah ka saartay jabhaddii HTS oo markii hore loo yiqiin Jabhat Al-Nusra, maadaama madaxdii kooxdaas ay hadda qayb ka yihiin dowladda rasmiga ah ee dalka maamusha.
Maraykanka oo Suuriya ka saaray liiska dalalka taageera argagixisada
Madaxweynaha cusub ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump / AP

Maraykanka ayaa si rasmi ah dalka Suuriya uga saaray liiska dalalka lagu shaabadeeyo inay taageeraan argagixisada, isagoo sidoo kale liiska madow ka saaray kooxdii hore ee Hay'at Taxriir Al-Shaam (HTS).

Tallaabadan ayaa fulinaysa ballanqaadkii Madaxweyne Donald Trump ee ahaa in cunaqabataynta iyo go'doominta laga qaado magaalada Dimishiq, si dalkaas uu fursad ugu helo inuu dib u soo kabto.

Wasaaradda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa shaacisay in Suuriya aanay hadda kaddib ku xirnayn xayiraadihii adkaa ee saarnaa tan iyo sanadkii 1979-kii.

Xayiraadahan ayaa muddo ku dhow konton sano dalkaas ka hor-istaagnaa kaalmada amniga, wax-wada-qabsiga bangiyada caalamka, iyo maalgashiga tooska ah ee shisheeyaha.

Sidoo kale, Washington waxay liiska kooxaha argagixisada ee caalamiga ah ka saartay jabhaddii HTS oo markii hore loo yiqiin Jabhat Al-Nusra, maadaama madaxdii kooxdaas ay hadda qayb ka yihiin dowladda rasmiga ah ee dalka maamusha.

Go'aankan ayaa imanaya kaddib isbeddel weyn oo ka dhacay dalka Suuriya markii bishii Diseembar 2024-kii la afgambiyay nidaamkii qoyska Bashaar Al-Assad oo isagu dalkaas xukumayay tan iyo sanadkii 1963-kii.

Dowladdii hore ayaa hay'adaha xuquuqda aadanaha iyo beesha caalamku ku eedeeyeen xasuuq baahsan, jirdil, xarig sharci-darro ah, iyo adeegsiga hubka kiimikada.

Markii uu nidaamkaasi dhacay, Bashaar wuxuu u baxsaday dalka Ruushka, waxaana awoodda la wareegay Axmed Al-Sharaa oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka ee dagaalka adag kula jiray nidaamkii Assad iyo waliba kooxda Daacish.

Madaxweynaha cusub ee Suuriya, Axmed Al-Sharaa, ayaa isla markiiba bilaabay dadaallo xasilin iyo dib-u-habayn ballaaran leh, isagoo booqasho taariikhi ah ku tagay Aqalka Cad bishii Nofeembar ee sanadkii hore.

Tani waxay noqotay booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye Suuriyaan ahi ku tago Maraykanka tan iyo xornimadii dalkaas ee sanadkii 1946-kii.

Go'aanka liiska looga saarayo Suuriya ayaa soo deddegay kaddib markii Madaxweyne Donald Trump uu bishii Luulyo si rasmi ah ugu wargeliyay Aqalka Koongareeska in la joogo waqtigii xayiraadda la qaadi lahaa, isagoo fulinaya is-afgarad ka dhashay wada-hadallo ay labada madaxweyne horey ugu yeesheen magaalada Ankara.

In kasta oo inta badan cunaqabatayntii Maraykanka la qaaday markii nidaamkii hore uu meesha ka baxay, haddana ku-jiritaanka liiska argagixisada wuxuu ahaa caqabadda ugu weyn ee hortaagnayd in Suuriya ay dib ugu furanto dhaqaalaha adduunka.

Go'aankan cusub wuxuu hadda waddada u xaarayaa in bangiyada caalamiga ahi ay xawaalado iyo xisaabaad toos ah la furan karaan Suuriya, in shirkadaha caalamiga ahi ay maalgashi ku samayn karaan dib-u-dhiska dalka, iyo in dowladda cusub ay hesho taageero dhaqaale oo caalami ah si loo xaqiijiyo midnimada iyo xasilloonida dalka.

XIGASHO:َAA