Madaxweyne Xasan Sheekh: Geesiyaasha Xoogga Dalka ayaa badbaadiyay 20 milyan
Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka ciidanku ku leeyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka, isagoo xusay in ciidamadu sidoo kale door muhiim ah ka qaataan gurmadka bani’aadannimo iyo badbaadinta bulshooyinka ay dhibaatooyinku saameeyeen.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo qoysaskooda munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aasaaskooda.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda xuska, Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka ciidanku ku leeyihiin difaaca dalka iyo ilaalinta shacabka, isagoo xusay in ciidamadu sidoo kale door muhiim ah ka qaataan gurmadka bani’aadannimo iyo badbaadinta bulshooyinka ay dhibaatooyinku saameeyeen.
“Geesiyaasha Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed waxay badbaadiyeen 20 milyan oo Soomaali ah. Kaliya kuma difaacaan hub, balse sidoo kale waxay bixiyaan gargaar. Guulaha ay maanta gaareen waxaa lagu qori doonaa taariikhda. Hambalyo,” ayuu yiri.
Wuxuu intaas ku daray in ciidamada ay sameeyeen horumar weyn, isagoo xusay in aan dal la dhisi karin la’aanta ciidan xooggan, isla markaana khaladaadka shaqsiyeed aan lagu qiimeyn karin ciidanka oo dhan.
Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, oo ka qeyb galay munaasabadda, ayaa sheegay in ciidanku gaareen heer sare oo awood ah isla markaana ay guulo muuqda ka gaareen howlgalada, oo ay ku jirto dib u furista waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in ciidamadu lagu garto adkaysi iyo geesinimo, isagoo ku tilmaamay sanad-guurada mid sharaf leh.
Mas’uuliyiin kale oo ka qeyb galay xafladda ayaa sidoo kale diray hambalyo, iyagoo ammaanay guulaha ciidanka ee ilaalinta dalka iyo dadkiisa.