| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo UK oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Dadaallada La-dagaallanka Argagixisada
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Safiirka UK ayaa ka wada hadlay xaaladda amniga, hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta taageerada UK ee hay’adaha amniga Soomaaliya.
Soomaaliya iyo UK oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Dadaallada La-dagaallanka Argagixisada
Soomaaliya iyo UK oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Difaaca iyo Dadaallada La-dagaallanka Argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, iyagoo ka wada hadlay xaaladda amniga Soomaaliya iyo hawlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta taageerada UK ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada difaaca iyo amniga, si gacan looga geysto yareynta khatarta ay kooxaha argagixisadu ku hayaan dalka.

Wasiir Fiqi ayaa Boqortooyada Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay mar kale adkeeyeen muhiimadda iskaashiga la-dagaallanka argagixisada, xoojinta awoodda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo horumarinta amniga iyo xasilloonida.

XIGASHO:SONNA