| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Taliyaha CXDS, S.G. Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qaybgalay shirkii ugu horreeyay ee Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee ku saabsanaa hawlgallada militari ee aan dagaalka ahayn, kaas oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Kampala ee Uganda.
Taliyaha CXDS oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka Qaybgalay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Kampala

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ka qaybgalay shirkii ugu horreeyay ee Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee ku saabsanaa Hawlgallada Militari ee aan Dagaalka ahayn (MOOTW), kaas oo muddo saddex maalmood ah socday, laguna soo gabagabeeyay magaalada Kampala.

Shirka ayaa isu keenay taliyeyaasha ciidamada difaaca iyo saraakiil sare oo militari oo ka socday dalalka Afrika, Midowga Afrika, ururrada gobolka iyo hay’adaha ku hawlan hawlgallada nabad-ilaalinta.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray doorka ciidamada qalabka sida ee hawlgallada aan dagaalka ahayn, oo ay ka mid yihiin taageeridda horumarinta bulshada, nabad-ilaalinta, ka-jawaabista musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni, oo shirka soo xiray, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga, isku-dubbaridka iyo wada-shaqeynta ciidamada qalabka sida ee Afrika ee hawlgallada militari ee ka baxsan dagaallada caadiga ah.

XIGASHO:SONNA