| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Addis Ababa: Abiy Axmed oo shaaciyay in "Hal senti" oo shisheeye ah aan loo adeegsan dhismaha GERD
Itoobiya ayaa daah-furtay mashruucan tamarta biyaha ee ugu weyn qaaradda bishii Sebteembar 2025, iyadoo ballanqaadday inuu wax ka beddeli doono waaxda tamarta ee dalkaas.
Addis Ababa: Abiy Axmed oo shaaciyay in "Hal senti" oo shisheeye ah aan loo adeegsan dhismaha GERD
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed / Reuters
14 saacadood ka hor

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa maanta u sheegay Xildhibaannada Golaha Wakiillada in Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-dhalashada Itoobiya (GERD), oo ah mashruuca tamarta biyaha ee ugu weyn Afrika, lagu dhammaystiray dhaqaale ay bixiyeen dadka Itoobiyaanka ah oo kaliya, iyada oo aanay ku jirin hal senti oo kaalmo ama deyn shisheeye ah.

Isagoo ka hadlayay kalfadhiga 10-aad ee Baarlamaanka, Abiy wuxuu mashruucan ku tilmaamay guul qaran oo wadareed, taas oo ay suurtageliyeen go'aan adag, adkeysi, iyo midnimada Itoobiyaanka ku nool dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.

"Laguma doodi karo in dowlad si guul leh u dhammaystirtay Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-dhalashada iyada oo aan haysan wax maalgelin dibadda ah ay awoodi weydo fulinta mashaariic waaweyn," ayuu yiri Ra'iisul Wasaaruhu.

Itoobiya ayaa daah-furtay mashruucan tamarta biyaha ee ugu weyn qaaradda bishii Sebteembar 2025, iyadoo ballanqaadday inuu wax ka beddeli doono waaxda tamarta ee dalkaas.

Biyo-xireenkan oo dhererkiisu kor u dhaafayo 145 mitir (476 feet), ballaciisuna yahay ku dhowaad laba kiiloomitir oo ku yaalla Wabiga Niilka Buluugga ah ee u dhow xuduudda Suudaan, ayaa ku kacay $4 bilyan. Waxaa loogu talagalay in uu qaado 74 bilyan oo mitir-kibiko oo biyo ah, uuna dhaliyo 5,000 megawatt oo koronto ah — taas oo laba-laab ka badan awoodda tamarta ay Itoobiya hadda haysato. Tani waxay ka dhigaysaa biyo-xireenka ugu awoodda badan Afrika xagga dhalinta korontada.

Kulanka Baarlamaanka oo saaka furmay, ayuu Ra’iisul Wasaare Abiy ku soo bandhigay qiimeynta waxqabadka dowladda dhexe ee bartamaha sanadka iyo qorshayaasha u harsan sanad-maaliyadeedka 2025/26.

Intii uu kulanku socday, Abiy wuxuu xildhibaannada uga warbixiyay horumarka laga sameeyay waaxyaha muhiimka ah, sida maamulka dhaqaalaha, arrimaha siyaasadda, horumarinta bulshada, iyo dublamaasiyadda. Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa xubnaha baarlamaanka, hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka, diblomaasiyiin, iyo odayaasha dhaqanka.

Sida ay sheegtay Xogta Bankiga Adduunka, qiyaastii 45% ee shacabka Itoobiya (oo tiradoodu gaareyso 130 milyan) ma haystaan koronto, iyadoo caasimadda Addis Ababa ay inta badan ka jiraan koronto la'aan baahsan oo ganacsiyada iyo qoysaska ku qasabta inay isticmaalaan matooro.

Itoobiya ayaa ku doodaysa in biyo-xireenkan uu yahay astaan midnimo qaran iyo tallaabo loo qaaday iskaashiga gobolka, taas oo faa'iido weyn u yeelan doonta dalalka hoose ee wabigu maro. Dowladda ayaa u aragta GERD mashruuc qaran oo taariikhi ah iyo astaan naadir ah oo mideysa dalka uu ragaadiyay khilaafyada gudaha.

 

XIGASHO:TRT SOMALI