Madaxweynaha Turkiga oo u ambabaxay Koonfur Afrika si uu uga qayb galo Kulanka Madaxda G20
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la filayaa inuu ka qayb galo hoggaamiyayaasha caalamka ee ka qayb galaya kulanka G20 oo looga wada hadli doono arrimo la xiriira dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Madaxweynaha Turkiga iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay Koonfur Afrika. / AA
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Jimcihii u ambabaxay Koonfur Afrika si uu uga qayb galo Shirweynaha Hogaamiyaasha G20.
Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisan ku weheliya Marwo Koowaad Emine Erdogan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Wasiirka Maaliyadda iyo Dhaqaalaha Mehmet Simsek, Agaasimaha Isgaarsiinta Burhanettin Duran iyo mas'uuliyiin kale.
Waxaa la filayaa in madaxweynaha Turkiga uu ka hadlo fadhiyo kala duwan oo ka mid ah shirka, iyadoo mawduucyada ay ka mid yihiin, Midnimada, Sinaanta iyo Horumarka Waara.