Lesotho oo si adag uga jawaabtay Trump ka dib markuu 'aflagaadeeyay'
Dowladda Lesotho ayaa si adag uga jabwaabtay Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kaddib markii uu ku tilmaamay waddan Afrikaan ah “oo aan cidina weligeed maqlin.”
Dowladda Lesotho ayaa si adag uga jabwaabtay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo uu dalkaasi ku tilmaamay waddan Afrikaan ah "oo aan cidina weligeed maqlin." Hadalkan ayaa dhaliyay caro iyo cambaareyn ballaaran.
Trump ayaa Lesotho ku xusay khudbad uu fiidnimadii Talaadadii ka jeediyay Congress-ka Mareykanka, isagoo ku tilmaamay mid ka mid ah dalalka uu ku baxo gargaarka dibadda ee uu doonayo in la dhimo, kuna sifeeyay “qashin aad u xun.”
"Mashruucii hore ee gargaarka ee siddeed milyan oo dollar ahaa ayaa lagu bixiyay ‘dalkan Lesotho ee Afrikaan ah, kaas oo aan cidina waligeed maqal’," ayuu Trump ka sheegay khudbaddiisa, taasoo si weyn uga nixisay madaxda Lesotho.
Lesotho oo si adag uga jawaabtay hadalka Trump
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Lesotho, Lejone Mpotjoane, ayaa sheegay in hadalka Trump uu ahaa "aflagaado cad," isagoo xusay in uu aad uga naxay in dalkiisa sidaas loola dhaqmay. "Aad ayaan uga naxay in madaxweynaha Mareykanka uu sidaas ku yiraahdo dalkayga," ayuu Mpotjoane u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wuxuu Trump ku casuumay inuu booqasho ku yimaado Lesotho si uu u arko muhiimadda iyo taariikhda dalkiisa.
"Lesotho waa waddan muhiim ah oo leh taariikh qoto dheer iyo muuqaal dabiici ah oo aad u qurux badan. Waxaan jeclaan lahaa in aan ku casuumo madaxweynaha, sidoo kale caalamka intiisa kale, si ay u booqdaan Lesotho," ayuu yiri Wasiir Mpotjoane.
Lesotho waa waddan ku yaalla Koonfurta Afrika oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 2 milyan oo qof. Wuxuu caan ku yahay muuqaalka buuraha dhaadheer, waxaana mararka qaarkood loogu yeeraa "Boqortooyada Cirka," maadaama uu leeyahay celceliska sare ee ugu sarreeya waddan kasta oo caalamka ah.
Saameynta ay go’aanka Trump ku yeelan karto Lesotho
Maamulka Trump ayaa jaray balaayiin doollar oo gargaar shisheeye ah oo la siineyey dalalka caalamka, si uu ula jaanqaado siyaasadda "America First." Lesotho, oo muddo dheer ku tiirsanayd gargaarka Mareykanka, gaar ahaan dhanka caafimaadka, ayaa dareemaysa saameynta go’aankaas.
"Waa inaan aqbalnaa xaqiiqada jirta. Laakiin in waddankeyga sidaas loola dhaqmo waa arrin nasiib darro ah," ayuu yiri Mpotjoane.
Dowladda Lesotho ayaa sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii ay isku filnaansho u gaari lahayd, inkastoo saameynta go’aanka Mareykanka ay si gaar ah u taabatay waaxaha muhiimka ah ee adeegyada bulshada.