| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Wasaaradda Qorsheynta iyo IOM oo ka wada hadlay waafajinta barnaamijyada mudnaanta Qorshaha Qaranka
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii barnaamijyada iyo qorshayaasha IOM loogu waafajin lahaa mudnaanta ku cad Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
Wasaaradda Qorsheynta iyo IOM oo ka wada hadlay waafajinta barnaamijyada mudnaanta Qorshaha Qaranka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa kulan la yeeshay Madaxa IOM ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo taageerada dadaallada horumarineed ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii barnaamijyada iyo qorshayaasha IOM loogu waafajin lahaa mudnaanta ku cad Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029). Waxaa sidoo kale la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hoggaamiso oo isku dubbariddo dadaallada horumarineed ee dalka.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa qorsheynta wadajirka ah iyo isku-duwidda mashaariicda horumarineed, si barnaamijyada la fulinayo ay si dhow ula jaanqaadaan baahiyaha iyo mudnaanta qaranka.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu soo qaaday horumarinta nidaamyada xogta ee la xiriira socdaalka iyo barakaca. Xogtan ayaa muhiim u ah qorsheynta iyo hirgelinta barnaamijyada wax looga qabanayo arrimaha socdaalka, barakaca iyo horumarinta bulshada.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dib-u-habeynta istaraatiijiyadda IOM ee Soomaaliya, si howlaha hay’addu ay ula jaanqaadaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo baahiyaha horumarineed ee dalka.

Agaasimaha Guud Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa bogaadiyay sida ay IOM uga go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo taageerada qorshayaasha horumarinta qaranka.

Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku afgartay in la joogteeyo wadatashiyada, la ballaariyo iskaashiga, isla markaana la qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo hirgelinta qorshayaasha horumarinta Soomaaliya.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Wasaaradda Maaliyadda oo Muqdisho ku Soo Gebagebeysay Shirka Isku-duwidda Miisaaniyadda
Soomaaliya oo Ka Qayb Gashay Shir Heer Wasiir ah oo Lagu Taageerayo Qudus iyo Goobaha Barakaysan
Guddoomiyaha SoDMA oo Qaabilay Agaasimaha Guud ee Hay'adda Plan International
Masar oo Sheegtay Inaysan Oggolaan Doonin Biyo-xireenno Cusub oo Itoobiya Ka Dhisto Webiga Niil
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo u Soo Xiray Tababarka Ciidanka Kumaandooska Danab ee Balli-doogle
Soomaaliya iyo Pakistan oo Kala Saxiixday Is-afgarad Ku Saabsan Iskaashiga Difaaca
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Kala Saxiixday Heshiis Gargaar Bini’aadantinimo
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Soo Dhaweeyey Wafdi Ka Socday Golaha Sharcidejinta Bariga Afrika
Ra'iisul Wasaare Xamse oo Somaliland ugu baaqay inay ka laabato xiriirka Israa'iil
Trump oo farriin adag u diray Iiraan
Madaxweynaha Soomaaliya oo bogaadiyay doorka Turkiga, caalamkana u diray farriin maalgashi oo furan
Soomaaliya iyo Indonesia oo Ka Wada Hadlay Ballaarinta Iskaashiga Waxbarashada iyo Kalluumaysiga
Wasiirka Deegaanka iyo Ku-xigeenka Ergeyga QM oo ka wada hadlay iskaashiga cimilada iyo COP31
Safiir Hodan oo Wadahadallo Ku Saabsan Horumarinta Kaga Qeyb gashay Tokyo
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqulka Warqadaha Aqoonsiga Danjiraha Cusub ee Aljeeriya
RW Xamse oo Gaaray Laascaanood si uu uga Qayb Galo Sanad-guurada Maamul-goboleedka Waqooyi Bari
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo Furay Shir Cilmiyeedka Khariidadda Horumarinta Ganacsiga Qaranka
In Ka Badan 1,400 Qof oo Ka Barakacay Weerarkii RSF ay Ka Fulisay Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada
Wasiirka Warfaafinta oo Addis Ababa uga qayb galay Shir-madaxeedka Dadweynaha Adduunka ee Afrika