Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa Axaddii khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.
Sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Turkiga ah, Fidan iyo Guterres waxay ka wada hadleen xaaladaha gobolka iyadoo la eegayo booqashooyinka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku tagay Suuriya iyo jasiiradda Qubrus.
Qaramada Midoobay ayaa dabayaaqada bishan Golaha Ammaanka u gudbin doonta warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xadgudubyada Israa’iil ka geysatay Suuriya, ayuu Axaddii sheegay Xoghayaha Guud Antonio Guterres.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Dimishiq, Guterres wuxuu carrabka ku adkeeyay in xadgudubyada lagu hayo madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya ay yihiin “wax aan la aqbali karin,” isagoo Israa’iil ugu baaqay inay u hoggaansanto Heshiiskii Kala Qaadista Ciidamada ee 1974.
“Dhibaatooyinka ay Suuriya soo martay ma aysan wiiqin go’aanka shacabka Suuriya ee ku aaddan xaqiijinta himilooyinkooda sharciga ah,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale ka digay in gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay uu hadda daboolayo ku dhowaad 20 boqolkiiba oo keliya baahiyaha shacabka Suuriya.
Antonio Guterres ayaa Sabtidii gaaray Dimishiq booqasho saddex maalmood ah, isagoo la kulmay Madaxweynaha Suuriya Axmed Al Sharaa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad Al Shaibani. Intii ay wada hadleen wuxuu mar kale xaqiijiyay sida Qaramada Midoobay uga go’an tahay madaxbannaanida, xorriyadda iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya, wuxuuna ugu baaqay beesha caalamka inay taageerto dib u soo kabashada dalka.
Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii ku dhawaaqday in Guterres uu u safri doono Qubrus si loo horumariyo geeddi-socodka nabadda.
“Xoghayaha Guud wuxuu u safri doonaa Qubrus inta u dhexeysa 27-ka iyo 29-ka Luulyo, taas oo qayb ka ah dadaalladiisa dhexdhexaadinta iyo sida uu uga go’an yahay arrinta Qubrus,” ayuu shir jaraa’id ku sheegay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.
Dujarric wuxuu sheegay in Guterres uu la kulmi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga ee Waqooyiga Qubrus (TRNC), Tufan Erhurman, iyo hoggaamiyaha Koonfurta Qubrus ee maamulka Giriigga, Nikos Christodoulides. Wuxuu intaa ku daray inuu sidoo kale la kulmi doono dhinacyada kale ee ay khusayso si looga wada hadlo dadaallada lagu horumarinayo geeddi-socodka nabadda iyo xasilloonida jasiiradda, oo ay ku jirto doorka Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay ee Qubrus (UNFICYP).






















