| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Shirkadda difaaca Turkiga ee Aselsan oo si guul leh hawada sare ugu dirtay satallite IoT ah
Satallite-kan ayaa adeegyada IoT-ga ka taageeri doona meelaha fog-fog, isagoo siinaya isku xirnaan ballaaran oo tamar-yar, cimri-dheer oo u gudbiya xogta si aan daah laheyn.
Shirkadda difaaca Turkiga ee Aselsan oo si guul leh hawada sare ugu dirtay satallite IoT ah
Turkiga ayaa horumarinaysa shabakadda dayax-gacmeedka IoT-ga ee qaranka si ay u hesho xogta waqti-dhabta ah. / AA
2 Diseembar 2025

Shirkadda difaaca ee Turkiga ee Aselsan ayaa ku dhawaaqday inay hawada u dirtay dayax-gacmeedka LUNA-1 ee IoT-ga (internetka walxaha) ee qeybta hoose ee hawada sare iyada oo la adeegsaday gantaal-xambaaraha SpaceX Falcon-9.

Shirkadda ayaa Isniintii ku qortay barteeda bulshada ee Turkiga ee NSosyal: "Dayax-gacmeedka LUNA-1 ee IoT-ga ee ku jira qeybta hoose ee hawada sare ayaa lagu qaaday SpaceX Falcon-9, iyadoo calaamadaha telemetri lagu helay saldhiggeena dhulka ee Ankara."

LUNA-1, oo naqshaddeeda, horumarinteeda, wax-soo-saarkeeda, isku-darka iyo tijaabinta, oo ay ku jiraan rarkii saarnaa, barnaamijka xakameynta saldhigga dhulka iyo kombuyuutarka duulimaadka, ay dhammeystireen injineerada Aselsan, ayaa ka go'ay gantaal-qaadihii qiyaastii saacad ka dib markii la diray waxaana lagu dejiyey orbit qiyaastii 510 kiilomitir ah oo la socda qoraxda (sun-synchronous orbit, SSO).

Xogtii telemetri ee ugu horreysay ee laga helay dayax-gacmeedka waxaa si guul leh u fasiray saldhigga dhulka ee Ankara, taasoo xaqiijisay in uu si sax ah u shaqeynayo.

Aselsan waxay sheegtay in dayax-gacmeedku uu suurtogeliyo adeegyada IoT iyada oo loo marayo dayax-gacmeed, uu ururin doono xog meelaha aan ka jirin kaabayaasha jira, uu bixiyo isgaarsiinta dareemayaasha aag-ballaaran, isku xirka IoT ee awood yar leh oo cimri-dheer, iyo gudbinta xogta oo dib-u-dhac hooseysa.

Bayaanka kale ayaa lagu yiri, iyadoo dadaallada lagu dhisayo kaabayaasha isgaarsiinta caalamiga ah ee loo marayo dayax-gacmeedyada orbit-ka hoose ay dunida ka socda ay korayaan, Aselsan waxay qaaday talaabo muhiim ah oo ujeedadeedu tahay inay ka mid noqoto ciyaartoyda waaweyn xilligga 'New Space'.

Madaxa Aselsan Ahmet Akyol ayaa yiri: "Dayax-gacmeedkeena IoT ee orbit-ka hoose, LUNA-1, waa hawada jooga. Waxaan sii xoojin doonnaa shaqadeena xalka orbit-ka LEO."

Talaabadani waxay Turkiga gelisay waji cusub oo aragtidiisa ah ee ku saabsan dhisidda shabakad qaran oo dayax-gacmeed IoT ah oo bixisa isgaarsiin xog-waqtiga-dhabta ah ee orbit-ka hoose.

LUNA-1 waxay ujeedadeedu tahay inay xaqiijiso isku xirnaan joogto ah xitaa gobollada ay adag tahay in dareemayaashu si joogto ah online ugu shaqeeyaan. Dayax-gacmeedkan orbit-ka hoose wuxuu suurtogeliyay helitaan IoT oo waqtiga-dhabta ah, aan kala go'in, isla markaana kharashkiisu hooseeyo.

XIGASHO:AA