| Somali
TURKIGA
1 daqiiqo akhris
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Turkiga ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 104-aad ee Maalinta Guusha
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Turkiga, si looga wada shaqeeyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka labada shacab
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Turkiga ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 104-aad ee Maalinta Guusha
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre / OPM Somalia

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dowladda iyo shacabka Turkiga ugu hambalyeeyay sanad-guuradii 104-aad ee Maalinta Guusha, oo la xuso 30-ka Agoosto.

Xamsa ayaa sheegay in maalintani ay astaan u tahay guushii taariikhiga ahayd ee Dumlupınar ee 1922, taas oo door weyn ka qaadatay Dagaalkii Xorriyadda Turkiga, isla markaana gogol xaar u noqotay aasaaskii Jamhuuriyadda Türkiye.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay geesinimadii iyo naf-hurnimadii dadkii u halgamay madax-bannaanida Turkiga, isagoo sheegay in dhaxalka 30-ka Agoosto uu weli ka muuqdo adkeysiga, midnimada iyo ilaalinta madax-bannaanida dalkaas.

Dhanka xiriirka labada dal, Xamsa ayaa Turkiga ku tilmaamay saaxiib iyo walaal istiraatiiji ah oo Soomaaliya kala shaqeeya dhinacyada diblomaasiyadda, horumarinta, amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo gargaarka bani’aadannimo.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Turkiga, si looga wada shaqeeyo nabadda, xasilloonida iyo horumarka labada shacab.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Erdogan oo nabadda gobolka iyo xiriirka dalalka kala hadlay madaxda Rwanda iyo DRC
Kuwa doonaya inay gobolka xasillooni-darro geliyaan way guuldarreysan doonaan: Erdogan
Turkiga iyo Qatar oo hiigsanaya in ganacsigooda laba geesoodka ah uu gaaro $5 bilyan
Turkiga oo Interpol ka dalbaday soo xiridda Netanyahu kadib weerarkii doonyaha Flotilla ee Qaza
Turkiga iyo Sacuudiga oo ballaarinaya mashaariicda tamarta la cusboonaysiin karo
Soomaaliya: Midowga Afrika iyo Turkiga oo dib u xaqiijiyay taageerada ay u hayaan dadaallada amniga
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo Masar Kula Kulmay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta
Turkiga oo Tuniisiya ugu baaqay inay sii deyso hoggaamiyaha xiran ee Ennahda Ghannouchi
Sawirro: Turkiga oo goobaha caanka ah ku xusay heshiiska difaaca saddex geesoodka ah ee Maka
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagay Turkiga
Turkiga, Sucuudiga iyo Pakistan oo saxiixay heshiis difaac oo wadajir ah
Madaxweynaha Turkiga oo gaaray Sacuudiga, lana kulmaya Dhaxal-sugaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan
Turkiga, Sucuudiga iyo Pakistan oo saxiixaya heshiis difaac oo saddex geesood ah
Erdogan oo Sacuudiga kula kulmaya Dhaxal-suge MBS iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan
Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Diyanet ee Turkiga
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qayb galaya shir looga hadlayo Qudus oo ka dhacaya Urdun
Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo booqasho shaqo ku tagay Turkiga
Turkiga oo Afrika u dhoofiyay matoorkii tareen ee ugu horreeyay ee lagu sameeyay gudaha dalkaas
Erdogan iyo Maxamed bin Salmaan oo khadka taleefanka uga wada hadlay amniga gobolka iyo Qaza
Taliyaha sirdoonka Turkiga iyo hoggaamiyaha Xamaas oo ka wada hadlay qorshaha nabadda ee Qaza