| Somali
TURKIGA
3 daqiiqo akhris
Turkiga iyo toddobo dal oo kale oo cambaareeyay qorshayaasha lagu barakicinayo Falastiiniyiinta
Dowladahan ayaa ka digay in haddii baaqyadan ku dhisan barakicinta xoogga ah loo rogo siyaasad rasmi ah ama tallaabooyin la meelmariyo, ay arrintaasi cawaaqib xumo aad u weyn ku reebi karto nabadda iyo deganaanshaha guud ee gobolka
Turkiga iyo toddobo dal oo kale oo cambaareeyay qorshayaasha lagu barakicinayo Falastiiniyiinta
Barakacayaal Falastiiniyiin ah oo doonaya inay Qaza uga baxaan dhinaca Masar, gaar ahaan marinka Rafax, 30-kii Abriil 2026 / AFP

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Turkiga, Masar, Indooniisiya, Urdun, Baakistaan, Qadar, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay hadalladii dhowaan ka soo yeeray Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, iyo Wasiirka Difaaca, Israel Katz, ee la xiriiray in shacabka Falastiin laga barakiciyo Marinka Qaza.

War murtiyeed wadajir ah oo ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu caddeeyay in damac kasta oo shacabka Falastiin si qasab ah looga rari karo deegaannadooda, uu yahay xadgudub qaawan oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah, isla markaana khatar weyn ku ah xuquuqda asaasiga ah ee Falastiiniyiinta.

Mas'uuliyiintan ayaa xusay in soo-jeedimaha iyo hadallada noocan ah ay si toos ah uga hor imaanayaan mabaadi'da shuruucda caalamiga ah, oo uu kamid yahay xeerka bani'aadannimada, waxayna digniin ka bixiyeen inay halis weyn ku yihiin xuquuqda ma-guurtaanka ah ee sharcigu damaanad-qaaday ee shacabka Falastiin.

Waxay mar kale si qeexan u gaashaanka u daruurteen damac kasta oo ujeeddadiisu tahay barakicinta Falastiiniyiinta Qaza, ha noqoto in loo raro guddaha dhulalka la haysto ama in dibadda loo saaro, iyadoo aan loo eegin marmarsiiyo kasta oo la cuskado.

Dowladahan soo saaray bayaanka ayaa ka digay in haddii baaqyadan ku dhisan barakicinta xoogga ah loo rogo siyaasad rasmi ah ama tallaabooyin la meelmariyo, ay arrintaasi cawaaqib xumo aad u weyn ku reebi karto nabadda iyo deganaanshaha guud ee gobolka.

Sidoo kale, waxay tilmaameen in dhaq-dhaqaaqyada noocan ah ay curyaamin karaan dadaallada beesha caalamka ee loogu jiro soo afjaridda colaadda Qaza, kuwaas oo uu qeyb ka yahay qorshihii nabadda ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaas oo isaguna si cad u diidaya barakicinta qasabka ah.

Wasiirrada ayaa hoosta ka xarriiqay in Marinka Qaza uu yahay qayb muhiim ah oo aan marnaba laga goyn karin dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, waxayna ku baaqeen in la dhowro isku-xirnaanta dhuleed ee Qaza, Daanta Galbeed iyo Qudusta Bari.

Waxay mar kale dib u xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan xalka dhismaha labada dowladood, iyagoo ku sifeeyay waddada qura ee lagu xaqiijin karo nabad caddaalad ku dhisan oo waarta, taas oo yoolkeedu yahay dhisidda dowlad Falastiin oo madax-bannaan, oo xuduudaheedu ku salaysan yihiin xariiqa 4-tii Juun 1967, caasimaddeeduna tahay Qudusta Bari.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale loogu baaqay beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inay hor istaagaan isku day kasta oo maamulka Israa'iil uu ku doonayo inuu ku abuuro xaqiiqooyin cusub oo salka ku haya beddelidda qaab-dhismeedka bulshada ama juquraafiga ee dhulalka Falastiin ee la haysto.

Ugu dambayn, wasiirradu waxay mar kale muujiyeen garab istaagga ay u hayaan xaqa ay dadka Falastiin u leeyihiin inay ku nagaadaan guryahooda iyo deegaannadooda, iyagoo diiday tallaabo kasta oo la doonayo in lagu wiiqo qadiyadda xaqa ah iyo xuquuqda sharci ee shacabka Falastiin.

Raadi Warar Kale
Ra’iisul Wasaaraha Canada Mark Carney oo booqashadiisii ugu horreysay ku tagaya Turkiga
Safiirka Turkiga oo booqday Warsheekh, halkaas oo laga dhisayo xarunta hawada sare
Turkiga, Sacuudiga iyo Bakistaan oo dar-dargelinaya awooddooda difaaca wadajirka ah
Turkiga oo Soomaaliya ka bilaabay dhismaha xarun hawada sare laga diro gantaallada
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qaybgalaya shirka saddex-geesoodka Isbahaysiga Difaaca Maka
Turkiga iyo Faransiiska oo kala saxiixday qorshe cusub oo lagu ballaarinayo iskaashiga difaaca
Turkiga iyo Georgia oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca waxbarashada ah
Trump oo muujiyay inuu taageersan yahay in Turkiga laga qaado cunaqabateynta CAATSA
Soomaaliya: Safiirka cusub ee Turkiga oo waraaqaha aqoonsiga u gudbiyey Madaxweyne Xasan Sheekh
Erdogan oo bogaadiyay midnimada Turkiga iyo Falastiin kadib ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Konya
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
Turkigu wuu sii wadi doonaa u doodidda iyo taageerada Falastiiniyiinta: Erdogan
Turkiga oo sii wada dadaallada lagu dhisayo ‘nidaam caalami ah oo caddaalad ah’: Wasiir Fidan
Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil
Fidan oo Guddoomiyay Kulanka Isku-duwidda Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee New York
Wasiirrada heshiiska difaaca Makka oo ka wadahadlay shir degdeg ah oo lagu taageerayo Sacuudiga
Turkiga oo cambaareeyay hadallada wasiirka Difaaca Israa’iil ee ka dhanka ah Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay is-dhexgalka Muslimiinta, kana soo horjeestay dhaqan-ku-milanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qayb-galay shirka nabadda Qaza
Fidan oo Ka Qaybgalay Kulankii 6-aad ee Wasiirrada Dibadda Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudi