Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanka si ku meel gaar ah u joojin doonaan “Project Freedom” oo lagu doonayay in dib loogu soo celiyo xorriyadda maraakiibta ganacsiga ee maraya Marinka Hormuz.
Trump ayaa sheegay in go’aankan lagu gaaray codsi ka yimid Pakistan iyo dalal kale, isla markaana uu ka dambeeyay waxa uu ku tilmaamay “guul militari oo weyn” oo laga gaaray ololihii Mareykanka ee ka dhanka ahaa Iiraan.
“Iyada oo la tixraacayo codsiga Pakistan iyo dalal kale, guusha weyn ee militari ee aan ka gaarnay ololihii ka dhanka ahaa dalka Iiraan, iyo sidoo kale xaqiiqda ah in horumar weyn laga sameeyay heshiis dhammaystiran oo kama dambeys ah oo lala gaarayo wakiillada Iiraan, waxaan si wadajir ah u oggolaanay in, iyadoo xannibaaddu ay weli si buuxda u sii socon doonto, Project Freedom (socodka maraakiibta ee Marinka Hormuz) si ku meel gaar ah loo hakiyo si loo arko in heshiiska la dhammeystiri karo lana saxiixi karo,” ayuu ku qoray bartiisa Truth Social.
Trump ayaa Axaddii ku dhawaaqay “Project Freedom,” isagoo ballanqaaday in maraakiibta la ilaalin doono marka ay marayaan Marinka Hormuz inkastoo Iiraan ay ku adkeysatay in maritaanka marin-biyoodkan muhiimka ah uu u baahan yahay oggolaansho hore.
Xiisadaha gobolka ayaa sii kordhay tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weerarro ku qaadeen Iiraan 28-kii Febraayo, taas oo keentay jawaab celin ka timid Tehran iyo carqalad ku timid marinka.
Xabbad joojin ayaa dhaqan gashay 8-dii Abriil iyadoo ay dhexdhexaadinaysay Pakistan, balse wadahadalladii ka dhacay Islamabad ma aysan keenin heshiis waara. Heshiiskaas ayaa markii dambe Trump kordhiyay isagoo aan cayimin waqti kama dambeys ah. Tan iyo 13-kii Abriil, Mareykanka ayaa dhaqan geliyay go’doomin badeed oo lagu beegsanayo dhaq-dhaqaaqa badeed ee Iiraan ee marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.
Sidoo kale Talaadadii, Iiraan ayaa soo bandhigtay hannaan cusub oo lagu maamulayo maraakiibta maraya Marinka Hormuz iyadoo ay jirto is-maandhaafka ay la leedahay Washington ee ku saabsan marin-biyoodkan muhiimka ah.
Sida nidaamkan uu dhigayo, maraakiibta doonaya inay maraan marinka ayaa helaya email ka imanaya cinwaan la xiriira Hay’adda Persian Gulf Strait Authority (PGSA) oo ku wargelinaya xeerarka marinka. Maraakiibta ayaa markaas looga baahan yahay inay u hoggaansamaan nidaamka ka hor inta aan la siin oggolaanshaha maritaanka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Press TV.























