Golaha Ammaanka ee QM oo cambaareeyay dirirta Suudaan, kuna baaqay xabbad-joojin degdeg ah
Xubnuhu waxay “si cad u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay madaxbannaanida, xorriyadda iyo midnimada dhuleed ee Suudaan.”
Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii muujiyay walaac qoto dheer oo ku saabsan dirirta sii socota ee Suudaan, gaar ahaan gobollada Kordofan iyo Daarfuur, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka.
Bayaan ay soo saareen ayay si adag ugu cambaareeyeen wararka ku saabsan weerarro diyaarado aan duuliye lahayn oo si isdaba joog ah loogu qaaday rayidka, kaabeyaasha rayidka iyo shaqaalaha, goobaha iyo hantida bani’aadamnimo, oo ay ku jiraan weerarro badan oo saameeyay Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) tan iyo bilowgii Febraayo.
Waxay ka digeen in “weerarro ula kac ah” oo lagu qaado shaqaalaha bani’aadamnimo ama hantidooda ay noqon karaan dambiyo dagaal, iyagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ilaaliyaan waajibaadkooda ku aaddan sharciga caalamiga ah.
Xubnaha ayaa sidoo kale cambaareeyay maleeshiyada Rapid Support Forces (RSF) sababo la xiriira weerarro iyo xasilooni darro sii socota oo ka jirta Kordofan, iyagoo xusay xarig sharci darro ah, rabshado galmo oo la xiriira colaadda, dilal nidaamsan, barakicin ballaaran iyo beegsi ku saleysan qowmiyad oo ka dhacay El Fasher.
“Xubnaha Golaha ayaa ku baaqay in dhammaan kuwa geystay xadgudubyada iyo jebinta sharciga lala xisaabtamo,” ayay sheegeen, iyagoo dalbaday in dhammaan dhinacyadu ilaaliyaan rayidka ayna u hoggaansamaan waajibaadkooda sharciga caalamiga ah.
Waxay muujiyeen walaac weyn oo ku saabsan macluusha iyo cunto yarida ba’an ee ka dhalatay colaadda, iyagoo ku baaqay in la oggolaado gargaar bani’aadamnimo oo aan xannibaad lahayn iyo marin ammaan ah oo loo sameeyo rayidka. Waxay sidoo kale adkeeyeen in gaajada aan loo adeegsan karin hub dagaal.
Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada mudnaanta la siiyo horumarinta wadahadallo lagu gaaro xabbad-joojin waarta iyo hannaan siyaasadeed oo dhammaystiran, loo dhan yahay oo ay hoggaaminayaan Suudaaniyiinta.
Waxay soo dhaweeyeen dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan daneeyeyaasha gobolka, Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah si loo hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadamnimo loona taageero waddo lagu gaari karo maamul ay hoggaaminayaan rayid.
Xubnaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan dalalka inay ka fogaadaan faragelin dibadeed oo sii hurin karta colaadda.
Waxay sidoo kale “si cad u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay madaxbannaanida, xorriyadda, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suudaan. Xubnaha Golaha waxay dib u xaqiijiyeen diidmadooda ku aaddan dhismaha maamul isbarbar socda oo laga sameeyo deegaannada ay gacanta ku hayaan RSF,” ayaa lagu yiri bayaanka.