Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Muscat ee dalka Cumaan kaga dhawaaqay qorshe ballaaran oo ay xukuumaddu ku doonayso in ay ku casriyeyso adeegyada safaaradaha dalka ee dibadda.
Wasiirka oo safar rasmi ah ku jooga Saldanada Cumaan, ayaa arrintan shaaciyay xilli uu kormeer shaqo ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee dalkaas, halkaas oo uu kulamo kula qaatay safiirka Soomaaliya u fadhiya Cumaan, Bashiir Xasan Xaaji, iyo diblomaasiyiinta kale ee safaaradda ka hawlgala.
Intii uu kormeerku socday, wasiirka ayaa dib-u-eegis ku sameeyay habsami-u-socodka hawlaha diblomaasiyadeed iyo tayada adeegyada qunsuliyadeed ee la siiyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas.
Wuxuu maamulka iyo shaqaalaha safaaradda faray in ay dardargeliyaan shaqada, isagoo si gaar ah carrabka ugu adkeeyay baahida loo qabo in sare loo qaado hufnaanta, xirfadda shaqo, iyo in si degdeg ah loogu jawaabo baahiyaha muwaadiniinta.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid xukuumadda Muqdisho ay ku doonayso in ay ku soo celiso kalsoonida shacabka ee laamaha matalaadda dalka ee dibadda.
Dhanka kale, wasiir Cabdisalaam ayaa dardaaran adag ka bixiyay in la horumariyo xaaladaha shaqada iyo heerka xirfadeed ee adeeg-bixinta, taas oo uu ku tilmaamay in ay qayb weyn ka tahay ajandaha guud ee wasaaraddiisa.
Qorshahan ayaa diiradda saaraya sidii safaaradaha Soomaaliya ay u noqon lahaayeen kuwo si dhab ah u matala danaha qaranka, isla markaana bixiya adeegyo hufan oo la isku halleyn karo, xilli dowladda federaalka ahi ay xoojinayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada caalamka, gaar ahaan kuwa gobolka.

























