Magaalada Nairobi ayaa martigelinaysa Shirwaynaha Caafimaadka ee Gobolka ee World Health Summit Regional Meeting 2026, kaas oo uu si rasmi ah u daah-furay Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, iyadoo ay madasha ku sugan yihiin in ka badan 2,300 oo ergo oo isugu jira wasiirro, cilmi-baarayaal, iyo deeq-bixiyeyaal.
Shirkan oo lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee Nairobi (UNON), ayaa sannadkan hal-ku-dheg looga dhigay “Dib-u-qaabaynta Nidaamyada Caafimaadka Afrika: Hal-abuur, Is-dhexgal, iyo Isku-tiirsanaan.”
Madashan oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Jaamacadda Aga Khan, Wasaaradda Caafimaadka Kenya, Xarunta Afrika ee Ka-hortagga Cudurrada (Africa CDC), iyo Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa xoogga saaraysa dardargelinta barnaamijka Caymiska Caafimaadka Guud iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee waddamada isbeddel-doonka ah.
Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si weyn uga dhex muuqda kulankan oo ah madal muhiim u ah go’aaminta mustaqbalka nidaamyada caafimaad ee qaaradda Afrika.
Ka-qaybgalka Wasiir Cali Xaaji ayaa ka turjumaya dadaalka xukuumadda Muqdisho ay ku doonayso in ay dib-u-dhis ballaaran ugu samayso kaabayaasha caafimaadka dalka, taas oo la jaanqaadaysa yoolalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee NTP 2025–2029.
Intii uu shirku socday, waxaa diiradda lagu saaray qodobbo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin ka-hortagga cudurrada faafa, kobcinta caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, baahinta adeegyada caafimaad ee deegaannada fogfog, iyo doorka muhiimka ah ee tiknoolajiyadda casriga ah (Digital Health) ay ku leedahay casriyeynta waaxda daryeelka bulshada.
Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu shirar doceedyo muhiim ah la yeesho qaar ka mid ah madaxda, hay’adaha caalamiga ah, iyo deeq-bixiyeyaasha madasha ku sugan oo ka kala yimid in ka badan 50 waddan.






















