Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa Isniintii kormeer ku sameeyay diyaar-garowga dabaal-degyada Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya ee 1-da Luulyo, isagoo booqday Degmada Waaberi iyo Isgoyska Taleex ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada dalka, isla markaana aysan oggolaan doonin isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka ama shacabka Soomaaliyeed.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay ilaashadaan midnimadooda, mana oggolaan doonaan in dalka iyo dadkiisa la kala qaybiyo,” ayuu yiri Wasiirku.
Wuxuu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay gaartay horumar muuqda, isagoo ugu baaqay shacabka inay sii wadaan taageerada ay u hayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ugu jirto la tacaalidda cid kasta oo isku dayaysa inay wax u dhinto nabadda iyo amniga dalka.
Guddiga Qaran ee Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada, oo Wasiirku xubin ka yahay, ayaa dardargelinaya diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee dabaal-degyada dalka oo dhan looga xusayo Maalinta Xorriyadda iyo Midnimada Soomaaliya ee 1-da Luulyo.





















