Soomaaliya oo taariikhda markii ugu horreysay fariisatay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
Soomaaliya ayaa golahan oo ka kooban 15 xubnood ka mid ahaan doonta muddo-xileedka 2026 ilaa 2028, kaddib markii bishii Febraayo ee sanadkan doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa loogu codeeyay xubinnimada golaha.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegtay kursigeeda Golaha Nabadda iyo Amniga (PSC) ee Midowga Afrika, 7-dii Abriil waana markii ugu horreysay tan iyo markii golahan la aasaasay sanadkii 2004-tii oo ay Soomaaliya ka mid noqoto.
Tallaabadan ayaa mas’uuliyiintu ku tilmaameen marxalad taariikhi ah oo dib u soo nooleynaysa doorkii diblomaasiyadeed ee dalka uu ku lahaa qaaradda.
Soomaaliya ayaa golahan oo ka kooban 15 xubnood ka mid ahaan doonta muddo-xileedka 2026 ilaa 2028, kaddib markii bishii Febraayo ee sanadkan doorasho ka dhacday magaalada Addis Ababa loogu codeeyay xubinnimada golaha.
Munaasabad lagu muujinayay bilowga xilkan oo dhacday 7-dii Abriil, ayuu Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee dalka u fadhiya Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa, calanka Soomaaliya ka taagay xarunta Golaha ee magaalada Addis Ababa.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xamse Aadan Xaadow, ayaa sheegay in guushani ay ka turjumayso kalsoonida ay dalalka qaaraddu ku qabaan doorka muuqda ee Soomaaliya ay ka qaadanayso xasiloonida iyo nabadda Afrika.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Muddada ay fadhiso golahan, Soomaaliya waxay diiradda saari doontaa raadinta xalal Afrikaan ah oo lagu dhammeeyo khilaafaadka, la-dagaallanka argagixisada, sugidda amniga badaha, iyo xoojinta iskaashiga gobolka Geeska Afrika.
Taariikhda iyo doorka Midowga Afrika ee Soomaaliya
Guushan diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ayaa salka ku haysa taariikh dheer.
Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii aasaasay Ururkii Midowga Afrika (OAU) ee ka horreeyay midowgan cusub, waxayna magaalada Muqdisho martigelisay shirkii 11-aad ee madaxda OAU bishii Juun ee sanadkii 1974-tii.
Ka-mid-noqoshada Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa imaneysa xilli Midowga Afrika uu in ka badan 17 sano howlgal nabad-ilaalineed ka waday Soomaaliya.
Hadda, Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ayaa si dhow u caawinaya dowladda federaalka si loo xoojiyo la-dagaallanka argagixisada iyo dadaallada xasilinta dalka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah guulo diblomaasiyadeed oo is-xiga oo xukuumadda Muqdisho ay dhowaanahan gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ku-biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo ka-mid-noqoshada Nidaamka Dib-u-eegista Isku-filnaanshaha Afrika (APRM).