| Somali
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Guddoomiyaha SoDMA oo FAO Kala Hadlay U Diyaar-garowga Fatahaadaha iyo Baahiyaha Bani’aadannimo
Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macallin ayaa Wakiilka FAO ee Soomaaliya Eric Peterschmitt kala hadlay u diyaar-garowga Super El Niño, yareynta khataraha fatahaadaha iyo taageerada bulshooyinka wajahaya baahiyaha bani’aadannimo.
Guddoomiyaha SoDMA oo FAO Kala Hadlay U Diyaar-garowga Fatahaadaha iyo Baahiyaha Bani’aadannimo
Guddoomiyaha SoDMA oo FAO Kala Hadlay U Diyaar-garowga Fatahaadaha iyo Baahiyaha Bani’aadannimo / SONNA

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin, oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Bani’aadannimada iyo Arrimaha Haweenka ee Dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa la kulmay Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Eric Peterschmitt, iyagoo ka wada hadlay xaaladda bani’aadannimo, u diyaar-garowga Super El Niño iyo taageerada bulshooyinka weli wajahaya baahiyaha bani’aadannimo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta u diyaar-garowga iyo dardargelinta dadaallada looga hortagayo laguna yareynayo fatahaadaha, gaar ahaan adkeynta difaacyada webiyada iyo sugidda goobaha nugul ee ku teedsan marin-biyoodyada.

Guddoomiye Maxamuud ayaa Wakiilka FAO warbixin ka siiyay booqashadii uu dhawaan ku tagay Hiiraan, oo ka mid ah gobollada sida weyn ugu nugul fatahaadaha, isagoo ku baaqay dadaallo isku-dubbaridan oo lagu ilaalinayo nolosha dadka iyo ilaha nololeed.

Wadahadallada ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo isku-dubbaridka hay’adaha dawladda iyo bahwadaagta bani’aadannimada, si loo xoojiyo u diyaar-garowga musiibooyinka, loo yareeyo khataraha fatahaadaha loona taageero bulshooyinka ay saameeyeen caqabadaha bani’aadannimo.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray dhowrista amniga gobolka
Soomaaliya oo martigelin doonta Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Bariga Afrika ee 2027
Ra’iisul Wasaare Xamza oo Muqdisho ka Furay Bandhigga Ganacsiga Banaadir
Ciidamada dowladda Itoobiya oo dib ula wareegay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Tigray
Xasan Sheekh: Soomaaliya kama soo horjeeddo in Itoobiya ay dekedaheeda u isticmaasho ganacsiga
Madaxweyne Xasan Sheekh: Marnaba ma aqbali doonno in Israa'iil ay saldhig ka sameysato Berbera
Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay iskaashiga dhaqaalaha iyo amniga Badda Cas
Liibiya iyo Midowga Afrika oo ka wada-hadlay qabanqaabada Shir-madaxeedka Afrika iyo Turkiga
Trump oo ka gaabsaday inuu Netanyahu si cad ugu taageero doorashada soo socota ee Israa’iil
Midowga Afrika: Itoobiya, Eriteriya iyo Masar ha ka fogaadaan hurinta xiisadda
Eriteriya oo xiriirkii diblumaasiyadeed u jartay Itoobiya
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar iyo Ergayga QM oo Ka Wada Hadlay Geeddi-socodka Siyaasadda Liibiya
5 Qof oo Dhintay, 47 Kalena ku Dhaawacmay Weerar RSF ka Fuliyey Hoyga Ardayda Jaamacadda Kordofan
Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga waxbarashada
Codbixinta Galmudug & Hirshabeelle oo si Nabad ah ku Soo Dhammaaday, Tirinta Codadka oo Bilaabanaysa
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Arusha uga Qaybgalaya Kulanka Baarlamaannada EAC iy Shirweynaha IPU
Wariye Muhammad al-Najjar iyo siddeed Falastiiniyiin ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil ee Qaza
Dhaxal-sugaha Sacuudiga oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Xasilloonida Suudaan
Masar oo Beenisay Faragelin Kaddib Markii Itoobiya ku Eedeysay Taageeridda Kooxo Hubeysan
Soomaaliya ayaa Sheegtay In ay Mar Walba Garab Taagan Tahay Falastiin