Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Isniintii booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagay magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, iyagoo ka wada-hadlay xiriirka labada dal iyo xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka Geeska Afrika.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in kulankan diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah iyo ballaarinta iskaashiga gobolka, si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa dhankiisa baahiyay sawirro ay labada hoggaamiye wada galeen kulanka kaddib.
Booqashadan ayaa ah safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu dibadda ugu baxo tan iyo markii uu ka soo laabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qayb-galay kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, khudbadna uu ka jeediyay mudnaanta siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee Soomaaliya.
Isu-soo-dhawaanshaha labada dal iyo Baaqii Ankara
Kulanka Addis Ababa ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu soo hagaagayo, kaddib khilaafkii ka dhashay is-afgaradkii (MoU) ay Itoobiya bishii Janaayo 2024 la gashay maamulka Somaliland, kaas oo Muqdisho ay u aragtay mid xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Khilaafkaas ayaa sababay in dowladda Turkigu ay bilowdo dadaallo dhex-dhexaadin ah oo u dhexeeya labada waddan.
Bishii Diseembar 2024, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa magaalada Ankara ku martigeliyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, halkaas oo labada dal ay ku gaareen Baaqa Ankara.
Labada dhinac ayaa xilligaas dib u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee midba midka kale, waxayna ku heshiiyeen inay khilaafkooda dhinac iska dhigaan, xooggana saaraan iskaashi iyo barwaaqo-wadaag.
Baaqa Ankara ayaa sidoo kale lagu aqoonsaday baahida ay Itoobiya u qabto marin ammaan ah oo ay badda ku gaarto, iyadoo lagu heshiiyay in qorshe kasta oo arrintaas la xiriira lagu fuliyo hab dhowraya gobannimada iyo awoodda madax-bannaan ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Muqdisho iyo Addis Ababa waxay isla qaateen inay wada-xaajood laba-geesood ah ku raadiyaan heshiisyo ganacsi oo labada dhinacba dan u ah, iyadoo Turkigu uu fududeynayo geeddi-socodkaas.
Kulankan ugu dambeeyay ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed ayaa qayb ka ah dadaallada socda ee lagu sii xoojinayo isu-soo-dhawaanshaha labada dal ee deriska ah iyo iskaashigooda dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka.




















