| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Trump oo muujiyay inuu taageersan yahay in Turkiga laga qaado cunaqabateynta CAATSA
Madaxweynaha Maraykanka ayaa tilmaamay inuu xiriir dhow la leeyahay dhiggiisa Turkiga, isagoo carabka ku adkeeyay inuu tixgelin doono in Ankara dib loogu soo celiyo barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35
Trump oo muujiyay inuu taageersan yahay in Turkiga laga qaado cunaqabateynta CAATSA
(Sawir: Madaxweyne Donald Trump oo warbaahinta la hadlayay kahor inta uusan raacin diyaaradda qumaatiga u kacda ee Marine One, Aqalka Cad / AP

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa hadal rajo leh ka bixiyay suurtagalnimada in xukuumadda Ankara laga qaado cunaqabateynta uu Maraykanku ku soo rogay ee hoos timaada sharciga CAATSA, inkastoo uusan shaacin wax go’aan rasmi ah oo arrintaas laga gaaray.

Mar la weydiiyay waxa hortaagan in cunaqabateynta laga qaado Turkiga, ayuu Trump tilmaamay xiriirka dhow ee uu la leeyahay dhiggiisa Recep Tayyip Erdogan. “Mar walba waan la hadli doonaa Madaxweyne Erdogan. Waa saaxiibkey sida aad ogtihiin, mar walbana waan ka farxin doonaa,” ayuu yiri.

Bishii Luulyo, xilli uu Erdogan kula kulmay shir-madaxeedkii gaashaanbuurta NATO, Trump ayaa shaaciyay inuu doonayo in Ankara laga qaado xayiraadda CAATSA, isagoo xusay inuu "hubaal" tixgelin doono in Turkiga dib loogu oggolaado iibsashada diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Sidoo kale, horraantii sannadkan ayuu Trump si cad u sheegay yoolkiisa arrintan ku aaddan. “Cunaqabateynta waan ka qaadi doonnaa. Waxaa la gaaray waqtigii sidaas la samayn lahaa... Ma doonayno inaan cunaqabateynno saaxiibbadeenna. Arrintu sidaas ayay u fudud tahay,” ayuu raaciyay.

Khilaafka F-35 iyo S-400

Xukuumadda Washington ayaa Turkiga ka saartay barnaamijka iibsashada iyo samaynta diyaaradaha F-35 sannadkii 2019-kii, kaddib markii ay Ankara ka iibsatay Ruushka nidaamka difaaca cirka ee S-400.

Maraykanka ayaa ku dooday in nidaamkaas uu khatar amni ku yahay diyaaradaha F-35, isla markaana uusan la jaanqaadi karin nidaamyada difaaca ee isbahaysiga NATO.

Daba-yaaqadii sannadkii 2020-ka, Washington ayaa Turkiga ku soo rogtay cunaqabateyn hoos timaada sharciga CAATSA, taas oo si gaar ah loogu beegsaday Hay’adda Warshadaha Difaaca ee dalkaas iyo dhowr mas’uul oo sarsare, sababo la xiriira heshiiska S-400.

Dhankiisa, Turkiga ayaa marar badan ku dooday inuu nidaamka Ruushka u iibsaday si uu u daboolo baahidii degdegga ahayd ee dhanka difaaca cirka, kaddib markii uu waayay fursad uu Maraykanka uga helo gantaallada difaaca ee Patriot.

Sidoo kale, xukuumadda Ankara ayaa gaashaanka u daruurtay walaaca Washington ee ku aaddan isku-adeegsiga nidaamyada S-400 iyo F-35.

Khilaafkan ayaa muddo dheer ka mid ahaa caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan xiriirka difaaca ee u dhexeeya labada waddan, iyadoo Turkigu uu si xooggan u raadinayo in cunaqabateynta laga qaado, dibna loogu soo celiyo barnaamijka F-35.

 

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Erdogan oo bogaadiyay midnimada Turkiga iyo Falastiin kadib ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Konya
Emine Erdogan oo hormuud u ah baaq caalami ah oo carruurta looga ilaalinayo khataraha internetka
Turkigu wuu sii wadi doonaa u doodidda iyo taageerada Falastiiniyiinta: Erdogan
Turkiga oo sii wada dadaallada lagu dhisayo ‘nidaam caalami ah oo caddaalad ah’: Wasiir Fidan
Erdogan oo sheegay in heshiiska difaaca ee Maka uusan ku wajahneyn Iiraan ama Israa’iil
Fidan oo Guddoomiyay Kulanka Isku-duwidda Wasiirrada Arrimaha Dibadda OIC ee New York
Wasiirrada heshiiska difaaca Makka oo ka wadahadlay shir degdeg ah oo lagu taageerayo Sacuudiga
Turkiga oo cambaareeyay hadallada wasiirka Difaaca Israa’iil ee ka dhanka ah Erdogan
Madaxweyne Erdogan oo ku baaqay is-dhexgalka Muslimiinta, kana soo horjeestay dhaqan-ku-milanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo ka qayb-galay shirka nabadda Qaza
Fidan oo Ka Qaybgalay Kulankii 6-aad ee Wasiirrada Dibadda Turkiga, Masar, Pakistan iyo Sacuudi
Erdogan: Qaza waa 'xeryaha dadka lagu ururiyo ee ugu bahalnimada iyo ceebta badan' zamankeenna
Erdogan oo ku baaqay dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka QM iyo in la baabi’iyo awoodda Veto
Turkiga oo beeniyay wararka sheegaya in Soomaaliya ay xayiraad dal-ku-gal saartay muwaadiniintiisa
Garoonka Diyaaradaha Istanbul oo loo aqoonsaday xarunta duulimaadyada ugu isku-xirka badan caalamka
Heshiiska difaaca Makka oo farriin u diraya dunida Islaamka: Erdogan
Isku-dhafka kooxaha hubeysan oo muhiim u ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Suuriya: Fidan
Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Fidan oo Ankara kula kulmay safiirka Mareykanka iyo madaxda OTS
Soomaaliya oo cambaareysay olole lagu dhaawacayo xiriirka Muqdisho iyo Ankara
Turkiga iyo toddobo dal oo kale oo cambaareeyay qorshayaasha lagu barakicinayo Falastiiniyiinta