| Somali
SIYAASADDA
1 daqiiqo akhris
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo iyo danjiraha Turkiga oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Farmaajo ayaa kulankaas ku sifeeyey mid midho-dhal ah, isagoo xusay in Danjiruhu uu booqasho ugu yimid hoyga uu ka deggen yahay caasimadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo iyo danjiraha Turkiga oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, iyo Danjiraha dalka Turkiga, Alper Aktas. / User Upload
3 Maarso 2026

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktas.

Farmaajo, ayaa qoraal uu baahiyey ku sheegay inuu hoygiisa Muqdisho ku qaabbilay Danjiraha Turkiga, Alper Aktas.

Farmaajo ayaa qoraal uu boggisa Facebook ku soo bandhigay ku yiri:

"Waxaan kulan midho-dhal ah la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u qaabbilsan dalkeenna, Danjire Alper Aktaş, oo igu soo booqday hoyga aan ka deggenahay Muqdisho. Danjiraha waxaan ka wada hadalnay xaaladda siyaasadda, amniga iyo sidii loo xoojin lahaa kobcinta maalgashiga dalka. Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo uu naga dhexeeyo xiriir soojireen ah ayaan ku bogaadiyey taageerada ay mar walba u muujiyaan dalkeenna."

Farmaajo

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo tan amniga ee dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha.

Madaxweynihii hore ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

Dalka Turkiga ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ahaa saaxiib muhiim u ah dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoo maalgashi weyn ku sameeyey kaabayaasha dhaqaalaha, iskaashiga amniga, iyo gargaarka bini'aadantinimada.

XIGASHO:TRT SOMALI