Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo iyo danjiraha Turkiga oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Farmaajo ayaa kulankaas ku sifeeyey mid midho-dhal ah, isagoo xusay in Danjiruhu uu booqasho ugu yimid hoyga uu ka deggen yahay caasimadda.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Danjiraha dalka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktas.
Farmaajo, ayaa qoraal uu baahiyey ku sheegay inuu hoygiisa Muqdisho ku qaabbilay Danjiraha Turkiga, Alper Aktas.
Farmaajo ayaa qoraal uu boggisa Facebook ku soo bandhigay ku yiri:
Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed iyo tan amniga ee dalka, iyo sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha.
Madaxweynihii hore ayaa ku ammaanay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo hoosta ka xariiqay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Dalka Turkiga ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay ahaa saaxiib muhiim u ah dib-u-dhiska Soomaaliya, isagoo maalgashi weyn ku sameeyey kaabayaasha dhaqaalaha, iskaashiga amniga, iyo gargaarka bini'aadantinimada.