Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay duqeyn qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Suullaay, oo qiyaastii 17 kiiloomitir dhanka koonfureed kaga beegan Teedaan ee gobolka Hiiraan.
Howlgalka ayaa lagu dilay 25 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka 18 kale lagu dhaawacay. Sidoo kale, afar xubnood oo ka tirsanaa haraadiga kooxda ee baxsadka ahaa ayaa isu soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Dadkaasi ayaa kala ah: Aadan Maxamed Jimcaale oo kooxda looga yaqaanay Cabbaas, Ibraahim Aadan Daahir, Aadan Abshir Cabdi iyo Nuurow Aawid Cali (Amiir).
Xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka cararay goobta kadib jab culus oo soo gaaray, iyagoo ka tagay hubkoodii intii ay baxsanayeen.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah gulufka socda ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay taageerayaan saaxiibada caalamka, kaas oo lagu wiiqayo awoodda hawlgal ee Al-Shabaab laguna baacsanayo haraadiga kooxda si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka oo dhan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa uga mahadcelisay saaxiibada caalamka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan la dagaallanka argagixisada. Wasaaraddu waxay sidoo kale mar kale xaqiijisay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo laguna ciribtirayo Al-Shabaab ilaa laga soo afjarayo khatarta argagixisada, si waafaqsan tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.






















