Hoggaamiyaha Suudaan oo cafis u fidiyay dagaalyahannada RSF haddii ay hubka dhigaan

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah ee Suudaan ayaa sheegay in dagaalku sii socon doono ilaa laga soo afjaro xoogagga maleeshiyada.

By
Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan / Reuters

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Kumeelgaarka ah ee Suudaan, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa Isniintii sheegay in dagaalyahannada maleeshiyada RSF loo fidin doono cafis haddii ay hubka dhigaan kuna soo biiraan dowladda.

Isagoo ka hadlayay munaasabad qalin-jebin ah oo loo sameeyay saraakiil ka tirsan ciidanka badda oo ka dhacday Omdurman, Burhaan ayaa ku celiyay in ciidanku sii wadi doono ololihiisa ka dhanka ah RSF, isagoo tilmaamay in dagaalka oo sii socdaa uu yahay waddada keliya ee harsan haddii aanay xoogagga fallaagadu is dhiibin.

“Ma jiro xal kale oo aan ahayn in dagaalka lagu cirib tiro, ama in cadowgu hubka dhigo,” ayuu yiri sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay golaha.

Dhanka kale, Burhaan ayaa muujiyay furfurnaan si gaar ah ugu wajahan xubnaha RSF, isagoo sheegay in kuwa “la marin-habaabiyay” ee qaatay hubka cafis loo fidin doono haddii ay soo laabtaan.

Burhaan ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida “aysan colaad u qabin” kuwa ugu biiray dagaalka sababo la xiriira kicin ama xog khaldan, isagoo ugu baaqay inay ka baxaan goobta dagaalka isla markaana “la saftaan qaranka.”

Wuxuu intaas ku daray in albaabku u furan yahay cid kasta oo muujisa niyad daacad ah oo ay ku doonayso inay kaga baxdo dagaalka oo dib u heshiisiin sameyso.

Colaadda u dhexeysa ciidanka Suudaan iyo RSF, oo bilaabatay Abriil 2023, ayaa dishay kumannaan qof, barakicisay malaayiin kale, isla markaana horseeday mid ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadamnimo ee ugu xun dunida.

18-ka gobol ee Suudaan, RSF ayaa gacanta ku haysa dhammaan shanta gobol ee Daarfuur, marka laga reebo qaybo ka mid ah Waqooyiga Daarfuur oo weli gacanta ugu jira ciidanka. Dhanka kale ciidanka ayaa maamula inta badan 13-ka gobol ee kale ee koonfurta, waqooyiga, bari iyo bartamaha dalka, oo ay ku jirto Khartuum.