| Somali
GANACSI & TEKNOLOJI
1 daqiiqo akhris
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Maaliyadeed ee Fududeynaya Ganacsiga Labada Dal
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray fududeynta lacag-bixinnada iyo xisaab-xiritaanka macaamilka maaliyadeed ee xuduudaha isaga gudba, si loo taageero ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga la leh Shiinaha.
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Maaliyadeed ee Fududeynaya Ganacsiga Labada Dal
Soomaaliya iyo Shiinaha oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Maaliyadeed ee Fududeynaya Ganacsiga Labada Dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, oo uu wehliyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan, ayaa kulan la yeeshay Wang Hongbo, Guddoomiyaha Nidaamka Lacag-bixinta Bangiyada ee Xuduudaha isaga Gudba ee Shiinaha (CIPS), iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo maaliyadda ee labada dal.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray fududeynta lacag-bixinnada iyo xisaab-xiritaanka macaamilka maaliyadeed ee xuduudaha isaga gudba, si loo taageero ganacsatada Soomaaliyeed ee ganacsiga la leh Shiinaha, iyadoo sidoo kale la qiimeeyay suurtagalnimada adeegsiga lacagta Shiinaha ee Yuan si loo fududeeyo macaamillada maaliyadeed.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu eegay siyaabaha loo fududeyn karo lacag-bixinnada ganacsiga, loo hagaajin karo helitaanka suuqyada Shiinaha, loona abuuri karo fursado dheeraad ah oo ay ka faa’iideystaan ganacsatada iyo shirkadaha Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee Soomaaliya iyo Shiinaha ay ku xoojinayaan xiriirkooda dhaqaale, kuna ballaarinayaan iskaashiga ganacsi ee labada dal.

XIGASHO:SONNA