| Somali
CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Dowladda Suudaan oo dib ugu laabatay Khartoum kaddib dagaal qaatay muddo ka badan laba sano
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ballanqaaday in la soo celin doono adeegyada, dib loo dhisi doono isbitaallada, lana furi doono dugsiyada.
Dowladda Suudaan oo dib ugu laabatay Khartoum kaddib dagaal qaatay muddo ka badan laba sano
Ciidamada Suudaan ee uu hoggaamiyo Abdel Fattah al-Burhan ayaa mar kale dib ula wareegay laba magaalo oo muhiim ah oo ku yaalla Waqooyiga Kordofan . / Reuters
12 Janaayo 2026

Dowladda Suudaan ayaa Axaddii si rasmi ah ugu laabatay caasimadda Khartoum, markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalka bishii Abriil 2023, kaasoo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyada RSF, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Kamel Idris.

Isagoo la hadlayay dadweyne soo dhaweeyay kaddib markii uu ka yimid Port Sudan, oo ahayd caasimadda ku-meel-gaarka ah ee ay dowladdu ka shaqeynaysay tan iyo bilowgii colaadda, Idris ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid isbeddel taariikhi ah u ah dalka.

“Maanta waan soo laabanay, waxaana nala soo laabtay dowlad rajo u ah caasimadda qaranka,” ayuu yiri. “Waxaan ballanqaadeynaa adeegyo la hagaajiyay iyo nolol ka wanaagsan tan shacabka.”

Idris ayaa ballanqaaday in la xoojin doono adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada, dib loo dhisi doono isbitaallada, lana dayactiri doono dugsiyada iyo jaamacadaha, isagoo si gaar ah u xusay Jaamacadda Khartoum. Wuxuu sidoo kale sheegay in la wanaajin doono amniga iyo xaaladaha nololeed ee muwaadiniinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay gudbisay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026 iyada oo aan culays dhaqaale dheeraad ah lagu saarin shacabka, wuxuuna intaas ku daray in la hiigsanayo dhimista sicir-bararka si uu u gaaro 70%.

Sida ku cad tirooyinkii ugu dambeeyay ee rasmiga ahaa ee la sii daayay bishii Nofeembar, heerka sicir-bararka wuxuu ahaa 74.2%.

Idris ayaa sheegay in miisaaniyaddu ay sidoo kale hiigsanayso kor u qaadista kobaca wax-soo-saarka guud ee dalka (GDP) si uu u gaaro 10% iyo xakameynta sarifka suuqyada aan rasmiga ahayn, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xasilinayo dhaqaalaha.

Wuxuu sannadkan ku tilmaamay “sannad nabadeed,” isaga oo ku tilmaamay “nabad ay leeyihiin kuwa geesiyaasha ah ee guuleystay.”

21-ka May, ciidanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay inay si buuxda dib ula wareegeen gacan-ku-haynta Khartoum, iyagoo sheegay in caasimadda laga xoreeyay RSF kaddib dagaallo ka dhacay aagga Salha ee koonfurta magaalada.

Bishii Luulyo ee la soo dhaafay, Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meel-gaarka ah, Abdel Fattah al-Burhan, ayaa soo saaray wareegto lagu dhisayo guddi qaran oo diyaariya Khartoum si degdeg loogu soo celiyo hay’adaha federaalka iyo deggeneyaasha.

18-ka gobol ee Suudaan, RSF ayaa gacanta ku haysa dhammaan shanta gobol ee Darfur ee galbeedka dalka, marka laga reebo qaybo ka mid ah waqooyiga Darfur Waqooyi oo weli ay maamulaan ciidamada dowladda. Dhanka kale, ciidanka Suudaan ayaa gacanta ku haya inta badan 13-ka gobol ee kale ee ku kala yaalla koonfurta, waqooyiga, bariga iyo bartamaha dalka, oo ay ku jirto caasimadda Khartoum.

Xaaladda bini’aadannimo ee Suudaan ayaa si aad ah uga sii dartay tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalka bishii Abriil 2023, kaddib khilaaf la xiriira mideynta hay’adaha milatariga, taas oo dishay tobannaan kun oo qof isla markaana barakicisay malaayiin kale.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali
Wasiirka Dekedaha Soomaaliya oo sheegay inuu xiriirka badeed ee Turkigu yahay mid istaraatiiji ah
Soomaaliya: Duqeyn cirka ah oo lagu dilay 15 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab
Dowladda Kenya oo ku dhawaaqday qorshe dib loogu furayo xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya
Danjire Maxamed Cabdi Afey oo Muqdisho ku baalfuray buuggiisa cusub ee 'Baadigoobkii Nabadda Geeska'
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa si uu uga qaybgalo Shir-madaxeedka Midowga Afrika
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo hoygooda kula kulmay hoggaamiyayaal hore
RW Ku-xigeenka Soomaaliya oo soo xiray shirkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga: Muqdisho
Todobaadka Ganacsiga Soomaaliya iyo Kenya oo si rasmi ah looga daahfuray Nairobi
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Ergayga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Geeska Afrika
Suudaan: Ugu yaraan 21 qof oo ku naf waayey doon ku degtay Webiga Niil
Midowga Afrika oo waxba kama jiraan ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland
Muqdisho oo martigelisay shir cilmiyeed qaran oo ku saabsan sugnaanta cunada iyo hal-abuurka beeraha
Wasiirka Cadaaladda JFS iyo RW Aljeeriya oo yeeshay wada-hadal lagu xoojinayo xiriirka garsoorka
Dr Maryan Qaasim oo ka hadashay daahfurka Isbahaysiga Caalamiga ah ee Xuquuqda Carruurta ee Muqdisho
Carruur lagu dilay weerar drone ah oo RSF ku qaaday masaajid ku yaalla Kordofan ee Suudaan
Soomaaliya oo markii ugu horreysay loo doortay Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika
UNICEF oo ka digtay in carruurta Suudaan ay ku jiraan xaalad adag oo nafaqo-darro ah
NCA iyo BTK Turkiga oo kala saxiixday is-afgarad lagu xoojinayo iskaashiga isgaarsiinta danabaysan
Diyaarad rakaab ah oo shil ku gashay garoonka Aadan Cadde iyo 55 qof oo saarnaa oo badbaaday