Midowga Afrika ayaa sheegay in heshiiska nabadeed ee ay kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo Rwanda uu yahay "mid muhiim ah" oo rajeynaya in nabad lagu soo dabbaalo gobolka Bariga Afrika ee ay colaaduhu ka jireen muddo tobannaan sano ah.
Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf, oo goobjoog ka ahaa saxiixa heshiiska ka dhacay magaalada Washington Jimcihii, ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu "si weyn u soo dhaweynayo guushan muhiimka ah", isagoo sidoo kale "amaanay dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, xasilloonida, iyo dib-u-heshiisiinta gobolka."
Waxaa uu intaa ku daray in Midowga Afrika "uu uga mahadcelinayo Mareykanka iyo Dowladda Qatar doorkii wax-ku-oolka ahaa ee ay ka qaateen fududeynta wadahadallada horseeday heshiiskan."
Doorka Rwanda
Heshiiskan ayaa yimid kaddib markii fallaagadda M23, oo ah koox hubeysan oo lagu eedeeyo in ay taageerto Rwanda, ay sanadkan gudaha u galeen Bariga DRC ee aagga hodanka ku ah macdanta isla markaana la wareegeen dhul ballaaran oo ay ku jirto magaalada istaraatijiga ah ee Goma.
Inkasta oo heshiisku si faahfaahsan uga hadlin guulaha M23, haddana waxa uu si cad u xusay in Rwanda ay joojiso "tallaabooyinka difaaca" ee ay qaaday, taas oo loo fasiran karo inay tahay in la dhimo faragelinta milatari.
Rwanda waxay si adag u beenisay in ay taageerto M23, balse waxay dalbatay in la laayo kooxda kale ee hubeysan ee FDLR oo ay aasaaseen xubno ka tirsan qowmiyadda Hutu ee lala xiriirinayo ka qaybqaadashadii xasuuqii Tutsiga ee Rwanda sanadkii 1994.
Heshiisku wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in "dhexdhexaadin" lala sameeyo kooxda FDLR, taasoo qayb ka ah dadaallada dib-u-heshiisiinta guud.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sidoo kale uga hambalyeeyay Rwanda iyo DRC saxiixa heshiiska nabadeed, sida ay werisay wakaaladda wararka Reuters.



















