New Delhi: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Hindiya

Soomaaliya oo ka qayb galeysa Shirweynaha 'Hindiya iyo Carabta' oo toban sano kadib dib u furmay

By
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Cabdisalaam Cabdi Cali / User Upload

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada New Delhi ee dalka Hindiya, si uu uga qaybgalo Shirka Labaad ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya.

Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada dublamaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku doonayso inay ku xoojiso booskeeda caalamiga ah, iyadoo madashan ay tahay tii ugu horreysay ee nooceeda ah ee qabsoonta muddo toban sano ah kadib shirkii koowaad ee ka dhacay Baxreyn sannadkii 2016-kii.

Markii uu Wasiirku ka degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Indira Gandhi, waxaa halkaas si diirran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Hindiya, Cabdullaahi Maxamed Odowaa, iyo diblomaasiyiin sare oo ka tirsan Safaaradda.

Dhanka dowladda martida loo yahay, waxaa wafdiga qaabilay Dr. Suresh Kumar oo wakiil ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, taas oo muujinaysa maamuuska loo hayo wafdiga Soomaaliya iyo muhiimadda xiriirka labada dal.

Kulankan oo ay si wadajir ah u martigelinayaan dowladda Hindiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka qaybgalaya Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo Xoghayaha Guud ee ururkaas, Axmed Aboul Gheit, oo isna Khamiistii gaaray New Delhi.

Ujeeddada ugu weyn ee shirka ayaa ah in dib loo yagleelo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac, iyadoo la dhisayo isbaheysi dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo waara.

Dowladda Soomaaliya ayaa shirkan u aragta fursad dahabi ah oo lagu xoojinayo wada-hadalka siyaasadeed iyo ballaarinta iskaashiga dhaqaale.