| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baraawe
Booqashada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Baraawe, diyaar-garowga ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa saldhigga Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee magaalada.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baraawe
Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda Soomaaliya oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baraawe

Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdulqaadir Shariif, ayaa Isniintii, 2-dii Nofeembar, safarkiisii shaqo ee ugu horreeyay ku tagay magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu kormeer ku sameeyay saldhigga ciidamada badda ee magaalada.

Taliyaha ayaa qayb ka ahaa wafdi uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, waxaana Baraawe ku soo dhaweeyay saraakiil iyo xubno ka tirsan Ciidanka Badda iyo qaybaha kale ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Booqashada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga Baraawe, diyaar-garowga ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa saldhigga Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee magaalada.

Saraakiisha ayaa sidoo kale u kuurgalay hawlaha ay qabtaan cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Baraawe iyo deegaannada ku xeeran, gaar ahaan waajibaadka la xiriira sugidda amniga iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Badda oo xoojinaya amniga xeebaha Baraawe

Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed ee ku sugan Baraawe ayaa wada diyaar-garow lagu xoojinayo amniga xeebaha degmada iyo deegaannada kale ee xeebaha ku teedsan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Intii uu kormeerka ku jiray, Taliye Maxamed Cabdulqaadir Shariif ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Badda oo ku sugan xeebaha Baraawe, isagoo u kuurgalay shaqadooda iyo diyaar-garowgooda amni.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ilaalinta xeebaha iyo sugidda amniga, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay sii xoojiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Wuxuu sidoo kale kula dardaarmay inay muujiyaan feejignaan, wadajir, anshax iyo xilkasnimo, si loo adkeeyo amniga xeebaha degmada iyo deegaannada ku xeeran.

Tayeynta awoodda Ciidanka Badda

Kormeerka ayaa qayb ka ahaa qorshayaasha lagu horumarinayo saldhigga Ciidanka Badda ee Baraawe, halkaas oo ay ka hawlgalaan cutubyo qaabilsan ilaalinta xeebaha iyo sugidda amniga badda.

Saraakiisha ayaa si gaar ah diiradda u saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ciidamada kala duwan ee ku sugan magaalada, loona hagaajin lahaa isku-duwidda hawlgallada amniga.

Diyaar-garowga ka socda Baraawe ayaa sidoo kale qayb ka ah dadaallada lagu tayeynayo awoodda hawlgal ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, si ay u xoojiyaan sugidda amniga xeebaha degmada, deegaannada kale ee xeebaha dalka iyo guud ahaan biyaha Soomaaliya.

Safarka Baraawe ayaa noqonaya kormeerkii shaqo ee ugu horreeyay ee Gaashaanle Sare Maxamed Cabdulqaadir Shariif uu ku tago saldhiggaas tan iyo markii uu la wareegay hoggaanka Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed.

XIGASHO:TRT SOMALI