Turkiga ayaa Axaddii u diray Soomaaliya markabkiisa qodista shiidaalka gunta dheer ee badda ee Cagri Bey, taas oo Wasiirka Tamartu ku tilmaamay hawlgalkii ugu horreeyay ee sahamin badeed ah oo ay Ankara ka fuliso meel ka baxsan aagga baddeeda.
Isagoo tallaabadan ku sifeeyay “xilli taariikhi ah” oo ku saabsan dadaallada sahminta shidaalka iyo gaaska ee Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in markabku bilaabi doono qodista bisha Abriil ceelka Curad-1 ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya.
“Markii ugu horreysay, markabkeenna qodista shiidaalka gunta dheer ee badda wuxuu u amba baxayaa hawl ka baxsan (aagga baddeena),” ayuu Bayraktar ka sheegay munaasabad ka dhacday dekedda Tasucu ee gobolka Mersin ee koonfurta Turkiga.
Sida uu sheegay Bayraktar, hawlgalkan ayaa ka dhigaya Cagri Bey markabkii labaad ee Turkiga ee ka hawlgala biyaha Soomaaliya kaddib Oruç Reis, isla markaana noqday markabkii qodista ee ugu horreeyay ee loo diro meel ka baxsan xuduudda badeed ee Turkiga.
Wuxuu sheegay in Cagri Bey, oo dhowaan ku biiray maraakiibta qodista ee Turkiga, la filayo inuu Soomaaliya ku gaaro qiyaastii 45 maalmood gudahood, isagoo intaas ku daray in ay la socon doonaan saddex markab oo nooca dagaalka ah oo ka tirsan ciidamada badda Turkiga.
Turkiga ayaa hiigsanaya inuu gaaro soo saarista 500,000 fuusto oo shidaal ah maalintii ama hydrocarbons u dhigma marka la gaaro 2028, ayuu yiri Bayraktar, isagoo xusay in Ankara ay filayso inay labanlaabto tiradaas iyada oo loo marayo sahanno cusub iyo heshiisyo wadaag wax-soo-saar oo dibadda ah.
Turkiga oo xiriir dhow la leh Soomaaliya ayaa xoojiyay iskaashiga uu la leeyahay Muqdisho dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin tamarta, difaaca iyo horumarinta kaabayaasha.
Heshiisyadii u dambeeyay ee ay kala saxiixdeen labada dowladood ayaa muujinaya iskaashi istiraatiiji ah oo ballaaran oo diiradda saaraya xasillooni waqti-dheer ah, koboc dhaqaale iyo dhismaha awoodda hay’adaha.



























