| Somali
TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Xasan Sheekh: Turkigu door weyn ayuu ka qaatay diblomaasiyadda
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xiriirka Itoobiya uu si wanaagsan u socdo tan iyo dhexdhexaadintii Turkiga, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh: Turkigu door weyn ayuu ka qaatay diblomaasiyadda
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Madasha Antalya Diplomacy Forum (ADF) 2026 / AA
19 saacadood ka hor

Kulan dood ah oo cinwaankiisu ahaa “Sidee loo heli karaa meel la iskaga yimaado iyadoo oo ay jiraan caqabado?” ayaa lagu qabtay Madasha Antalya Diplomacy Forum (ADF) 2026, kaasoo uu daadihinayay Alican Ayanlar oo ka tirsan TRT World.

Kulanka doodda ah ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Komoros Assoumani Azali, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen Shaai Muhsin ez-Zindani, iyo Wasiirka Koowaad ee Sierra Leone David Moinina Sengeh.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kala fogaanshaha ka dhex jira bulshada caalamka uu ka dhashay “yaraanta dabagalka iyo taageerada,” isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri, “Goobo badan oo isgaarsiineed waa in ay furaan ururrada bulshada ee kala duwan si ay codkooda uga dhiibtaan fagaaraha caalamiga ah.”

Wuxuu xusay in Turkigu uu “door aad u weyn ka qaatay diblomaasiyadda,” isla markaana hoggaaminta Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan lagu qabtay wadahadallo muhiim ah. Wuxuu tusaale u soo qaatay in tan iyo markii la saxiixay Bayaankii Ankara ee sannadkii 2024-kii, xiriirka Itoobiya uu si wanaagsan u socday.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay arrinta la xiriirta aqoonsiga la sheegay ee Israa’iil ee Somaliland, isagoo yiri:

“Dunida oo dhan waxay muujisay inay la jirto Soomaaliya, i cadna u diiday sheegashada Israa’iil. Sidaa darteed, isu imaatinka dalal badan si ay u joojiyaan ficillada noocan ah waa arrin aad muhiim u ah.”

Ra’iisul Wasaaraha Yemen Zindani ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisu ay mar walba doorbideyso wada hadalka, isagoo xusay in ay diyaar u yihiin doorasho iyo wadaag awood, balse aysan oggolaan doonin in kooxo hubeysan ay sii wataan hubka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in haddii xal siyaasadeed la waayo, ay u wareegi karaan xal militari, balse ay weli mudnaanta siinayaan wadahadalka.

Mahadcelin loo jeediyay Turkiga

Madaxweynaha Komoros Azali ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Erdogan iyo shacabka Turkiga martigelinta wanaagsan.

Wuxuu sheegay in dhibaatooyinka dunida aysan ku koobnayn hal gobol, loona baahan yahay in dadaallada la mideeyo si loo helo xal waara.

Wasiirka Koowaad ee Sierra Leone Sengeh ayaa isna carrabka ku adkeeyay muhiimadda in la diiradda saaro waxyaabaha mideeya dalalka, inkasta oo ay jiraan kala duwanaansho.

Wuxuu yiri, “Mar walba waxaa jiri doona waxyaabo ina kala qaybiya, balse taasi waa inaysan hor istaagin iskaashigeenna.”

XIGASHO:AA