| Somali
CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
RW Xamsa oo Isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay dedejiyaan hirgelinta howlaha iyo adeegyada ay wasaaradahoodu u xilsaaran yihiin.
RW Xamsa oo Isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Magacaabis iyo Isku-shaandhayn ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sameeyay magacaabis iyo isbeddel lagu sameeyay Agaasimayaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay dardargelinta howlaha dowladda iyo kor u qaadista hufnaanta shaqada hay’adaha kala duwan.

Magacaabistan ayaa lagu sameeyay si waafaqsan Qodobka 119-aad, farqaddiisa (D), ee Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiin cusub loo magacaabay xilalka Agaasimayaasha Guud ee saddex wasaaradood oo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Dr. Maxamed Saneey Dalmar ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, halka Axmed Yuusuf Cabdulle loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Sidoo kale, Cabdullaahi Xasan Aadan ayaa loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, isagoo ka mid noqonaya mas’uuliyiinta cusub ee loo igmaday hoggaaminta howlaha maamul ee wasaaradaha dowladda.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu dardargelinayo howlaha hay’adaha dowladda iyo kor loogu qaadayo hufnaanta shaqada, iyadoo Agaasimayaasha Guud ay door muhiim ah ku leeyihiin maamulka iyo socodsiinta howlaha maalinlaha ah ee wasaaradaha loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa mas’uuliyiinta cusub kula dardaarmay inay si hufan oo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, isla markaana ay dedejiyaan hirgelinta howlaha iyo adeegyada ay wasaaradahoodu u xilsaaran yihiin.

Magacaabista Agaasimayaasha Guud ee cusub ayaa la filayaa inay gacan ka geysato xoojinta maamulka wasaaradaha ay hoggaankooda maamul la wareegayaan, iyadoo diiradda la saarayo dardargelinta shaqada iyo xaqiijinta in adeegyada dowladda loo fuliyo si hufan.

XIGASHO:SONNA
Raadi Warar Kale
Madaxda Qaranka oo Liibaan Axmed Xasan ugu Hambalyeeyay Doorashadiisa Madaxweynaha Galmudug
Dowlado iyo hay’ado caalami ah oo Geneva ku yeeshay kulan lagu xoojinayo dadaallada nabadda Suudaan
Soomaaliya oo Cambaaraysay Khariidad uu Soo Bandhigay Netanyahu, kuna Tilmaantay Xadgudub
Baarlamaanka Galmudug oo Dhageystay Barnaamijyada Siyaasadeed ee Musharraxiinta Madaxweynaha
Soomaaliya iyo Morocco oo ku Heshiiyay Xoojinta Iskaashiga Tamarta, Macdanta, Beeraha iyo Dalxiiska
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Muqdisho Kula Kulmay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka
Soomaaliya oo Daahfurtay Shirka Dib-u-eegista Sannadlaha ah ee Waaxda Caafimaadka: Muqdisho
Safiirka Soomaaliya oo Warqadihiisa Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Dalka Chad
Wasiirka Gaashaandhigga oo Ku Baaqay Dib-u-habeyn Lagu Xoojinayo Amniga Qaranka iyo Isla-xisaabtanka
Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda oo Xoojinaysa Xiriirka Ganacsi ee Labada Dal: Muqdisho
Soomaaliya iyo Spain oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal ee Dhinaca Kalluumeysiga
Golaha Shacabka oo Ka Dooday Heshiiska QM ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Sharciga Bangiga Dhexe
SoDMA, FAO iyo Norway oo Ka Wada Hadlay U Diyaargarowga El Niño iyo Digniinta Hore ee Musiibooyinka
Soomaaliya oo Warbaahinta uga Digtay Faafinta Borobagaandada Argagixisada
Soomaaliya iyo Ciraaq oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Labada Dal
Sagal Cabdi-Wali: Gabar Soomaaliyeed oo Qaxooti Aheyd oo xildhibaan ka noqotay Baarlamaanka Britain
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada Hoggaanka Maamulka Hirshabeelle
Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka ee XFS oo Yeeshay Kulan Lagu Xoojinayo Wada Shaqeynta
Madaxweynaha Soomaaliya oo Hambalyo u Diray Hoggaanka Cusub ee Baarlamaanka Galmudug
RW Xamza oo Daahfuray Dib-u-soo-celinta Nidaamka IATA-BSP oo Soomaaliya ka Maqnaa 35 Sano