Soomaaliya oo sheegtay in uu dhammaaday muddo-xileedka hoggaanka Maamulka Koonfur Galbeed
Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegtay in muddo-xileedka hoggaanka Koonfur Galbeed uu dhammaaday iyadoo xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ay sii kordheyso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii Axadda sheegtay in si rasmi ah uu u dhammaaday muddo-xileedka madaxweynaha iyo maamulka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo xiisadda u dhexeysa labada dhinac ay sii kordheyso.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ku sheegtay in dowladda aysan mar dambe aqoonsan doonin magacaabis ama xil ka qaadis ay sameyso maamulka hadda jira.
Waxay sidoo kale sheegtay in maamullada hoose ee Koonfur Galbeed ay sii wadi doonaan shaqadooda ilaa laga soo doorto goleyaal cusub, iyadoo dowladda ay la tashiyo la wado odayaasha dhaqanka si looga hortago xasillooni darro.
“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed, ayaa si gaar ah mas’uul uga ah maaraynta habkan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Ismarinwaaga siyaasadeed
Ismariwaaga siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda dhexe ee Muqdisho iyo xarunta ku-meelgaarka ah ee Baydhabo ee Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysanayay tan iyo markii labada aqal ee baarlamaanka federaalka ay u codeeyeen wax ka beddelka dastuurka qaranka, taasoo soo afjartay tobannaan sano oo nidaam ku-meelgaar ah horraantii bishan.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa diiday wax ka beddelka cusub ee lagu sameeyay dastuurka ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta federaalka ee Muqdisho ayaa ku doodaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, uu dhaafay muddadiisii sharciyeed isla markaana uu xukun hayo isagoo aan sharciyad buuxda lahayn. Dhanka kale, mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed iyo taageerayaashooda ayaa u arka faragelinta dowladda federaalka mid ka hor imaanaysa sharciga.
Koonfur Galbeed ayaa Khamiistii hakisay dhammaan duulimaadyada ganacsi iyo kuwa gaarka ah ee ka baxa ama yimaada garoomadeeda, iyadoo ku sababeeysay arrimo amni.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in kaliya duulimaadyada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika la oggolaan doono, kuwaas oo ku koobnaan doona arrimo bani’aadannimo, caafimaad iyo hawlo rasmi ah, isla markaana aan qaadi karin siyaasiyiin iyada oo aan oggolaansho la helin.