Kulan bulsho oo ku saabsan la tacaalidda isticmaalka maandooriyaha ayaa Arbacadii lagu qabtay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dadka deegaanka iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Madashan oo ay soo qabanqaabisay Waaxda Xiriirka Bulshada ee Booliska ayaa ujeedkeedu ahaa in la dejiyo qorshe isku duwan oo lagula dagaallamayo maandooriyaha, kaas oo isticmaalistiisu si isa soo taraysa ugu faaftay dhalinyarada Soomaaliyeed.
SHEEKOOYIN KALE
Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ku-xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyow Cadde, Madaxa Waaxda Xiriirka Bulshada, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, iyo xubno ka tirsan bulshada deegaanka.
XIGASHO:SONNA





















