| Somali
TURKIGA
4 daqiiqo akhris
Madasha Istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Afrika: Soomaaliya oo si mug leh uga qaybgashay
Madashan, oo ah mid miisaan culus leh, ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga amniga iyo istiraatiijiyadda ee u dhexeeya Ankara iyo qaaradda Afrika.
Madasha Istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Afrika: Soomaaliya oo si mug leh uga qaybgashay
Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin, iyo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir .M. Nuur, / AA
10 Febraayo 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa matalaad heer sare ah ku lahayd Madasha Wadahadalka Istiraatiijiyadeed ee Turkiga iyo Afrika, taas oo ay soo qabanqaabisay Akadeemiyadda Sirdoonka Qaranka Turkiga (Milli İstihbarat Akademisi).

Madashan, oo ah mid miisaan culus leh, ayaa diiradda lagu saarayay xoojinta iskaashiga amniga iyo istiraatiijiyadda ee u dhexeeya Ankara iyo qaaradda Afrika.

Wafdiga Soomaaliya oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa madasha ka jeediyay aragtida dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka labada dhinac.

Iskaashi iyo Ixtiraam

Wasiirka Caddaaladda, Xasan Macallin, oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay madasha, ayaa qeexay tiirarka uu ku taagan yahay xiriirka Turkiga iyo Afrika.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in xiriirkani uusan ahayn mid ku kooban dano ganacsi oo kaliya, balse uu yahay mid ku dhisan ixtiraam, iskaashi iyo dano wadaag oo qoto dheer.

"Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya waa tusaale nool oo u ah iskaashi istiraatiiji ah," ayuu yiri Wasiir Xasan Macallin, isagoo tusaale u soo qaatay sida labada dal ay isaga kaashanayaan dhinacyada xasaasiga ah sida amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo xasillinta Geeska Afrika.

Taageerada madax-bannaanida Afrika

Qodob xasaasi ah oo uu Wasiirku taabtay ayaa ahaa doorka Turkiga ee ilaalinta madax-bannaanida dalalka Afrika.

Xilli caalamka ay ka jiraan loolanno siyaasadeed, Wasiirka ayaa bogaadiyay sida Turkigu uu mar walba u garab taagan yahay wadajirka iyo madax-bannaanida dalalka qaaradda, gaar ahaan Soomaaliya.

Ka qeybgalka Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ee madashan ay soo qabanqaabisay Milli İstihbarat Akademisi, ayaa muujinaysa in xiriirka labada dal uu dhaafsiisan yahay diblomaasiyadda caadiga ah, una gudbay heer istiraatiiji ah oo dhanka amniga iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Aragtida Soomaaliya: Khudbaddii Wasiir Nuur

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo madasha ka hadlay ayaa soo bandhigay falanqeyn qoto dheer oo ku saabsan taariikhda, amniga iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Taariikhda iyo Caqabadaha Afrika: Wasiirka ayaa xusay muhiimadda kheyraadka dabiiciga ah iyo dhulka beeraha ee Afrika, isagoo dib u milicsaday waqtiyadii adkaa ee ay qaaraddu soo martay.

"Afrika waqtigaas ma lahayn awood ku filan oo ay isaga caabbiso quwadaha shisheeye, waana sababta keentay kala-qeybsanaanta iyo dhibaatooyinka ka dhacay qaaradda," ayuu yiri Wasiir Nuur.

Xiriirka Cusmaaniyiinta iyo Dowladnimada: Wasiirka ayaa xusuusiyay ka qaybgalayaasha in Turkiga, xilligii Boqortooyada Cusmaaniyiinta, uu garab istaagay qaaradda Afrika. Isaga oo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, wuxuu yiri:

"Soomaaliya ahaan, ma lihin taariikh dheer oo nidaam dowladeed oo casri ah (marka loo eego dhismaha qaranka), balse waxaan nahay shacab leh isku-xirnaan iyo xiriir aad u adag." 

Wuxuu sidoo kale digniin ka bixiyay khatarta "firaaq awoodeed", isagoo tilmaamay in haddii dowladdu ay banneyso kaalinteeda, ay soo galayaan jilayaal kale oo halis ah.

Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee 2024: Wasiirka ayaa bogaadiyay taageerada hagar la'aanta ah ee Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo dowladda Turkiga ay siiyeen Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, amniga, milatariga, ganacsiga, iyo caafimaadka.

"Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga wuxuu sanadkan 2024-ka gaaray heer istiraatiiji ah, iyadoo la sii xoojiyay iskaashiga dhaqaalaha iyo milatariga," ayuu yiri Wasiirku.

Isku-xirka Amniga iyo Dhaqaalaha: Ugu dambeyn, Wasiir Nuur ayaa carrabka ku adkeeyay in xiriirka Turkiga iyo Afrika uu yahay mid u baahan in la sii xoojiyo. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay muddo dheer la daalaa-dhacaysay dhibaatooyin amni, xalka kaliyaana uu yahay isku-xirka amniga iyo dhaqaalaha.

"Haddii aan la helin xasillooni dhaqaale, suurtagal ma aha in la helo xasillooni amni. Mudnaanta koowaad ee Soomaaliya waa in dalka laga sifeeyo argagixisada si uu cagihiisa isugu taago," ayuu yiri Wasiirka, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay arrimahan kala kaashanayso saaxiibbadeeda caalamiga ah, gaar ahaan Turkiga.

Madashan ayaa kusoo idlaatay rajo weyn oo laga qabo in ay kasoo baxaan wada-hadallo miro-dhal ah, kuwaas oo xoojin doona amniga iyo horumarka labada dhinac, iyada oo Soomaaliya ay sii xaqiijisatay booskeeda ah saaxiibka ugu dhow ee Turkiga ku leeyahay Geeska Afrika.

 

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Erdogan oo xusay sannad-guurada dhulgariirka sheegayna in Turkigu fuliyey ballanqaadkii dib-u-dhiska
Sida gaari cas oo ka yimid Azerbaijan uu u noqday astaanta midnimada Turkida ee dhulgariirkii 2023
Turkiga oo kordhiyay taageerada militari ee cirka iyo dhulka ee Soomaaliya ee dagaalka argagixisada
MW Erdogan oo dhiggiisa Masar Sisi hadyad ahaan u siiyay gaariga korontada ee Turkiga ee Togg
MW Erdogan iyo Amiir Bin Salmaan oo mar kale xaqiijiyay taageerada midnimada Soomaaliya
Turkiga oo ballanqaaday taageero dheeri ah oo uu la garab taagan yahay Suudaan
Shan qodob oo ka soo baxay safarkii MW Erdogan ee Boqortooyada Sacuudiga
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo Riyadh kula kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman
Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo todobaadkan booqasho ku tagaya Sacuudiga iyo Masar
Bariga Dhexe wuxuu u baahan yahay heshiis dhanka amniga ah oo loo dhan yahay: Wasiir Fidan
Ankara: Diblomaasiga ugu sarreeya Iran oo Turkiga u tegaya wadahadallo maalinta Jimcaha
Iskaashiga dhinaca badaha ee u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya oo sii xoogeysanaya
Turkiga oo ka taageeray Nigeria dadaallada la dagaallanka argagixisada: Erdogan
Fidan iyo wafdi ka socda Xamaas, oo ka wada hadlay nabadaynta Qaza iyo xaaladda bini'aadannimo
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo qaabilay wafdi ka socda Dowladda Turkiga: Muqdisho
Turkiga oo gargaar bani’aadamnimo u diray Suuriya xilli ay weerarro ka wadaan YPG
Madaxweynaha Nigeria Tinubu oo booqasho ku tagaya Turkiga si loo xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah
Joogitaanka Ciidamada Badda Turkiga ee Gacanka Cadmeed oo loo kordhiyay hal sano oo kale
Wasiir Fidan: “Guddiga Nabadda” ee Qaza waa fursad taariikhi ah oo lagu gaari karo nabad waarta
Turkiga wuxuu u arkaa dhammaan hindisayaasha nabadda ee Qaza kuwo muhiim ah: Erdogan